Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee Xisbiga UCID Cali Gurey oo taageeray Qaadashada Baasaboorka Somaliya ee Shacabka Somaliland
Hargeysa 3, February,2016(SDN/QJ):-Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) Ayaa kasoo horjeestay qorshaha xukuumada Somaliland ku joojisay in baasaaboorka somaliya lagu qaato magaalada Hargeysa.
Mujaahid Cali Gurey waxaa uu ku dooday in aanay shacabka reer Somaliland ka maarmayn baasaaboorka Somaliya maadaama aan la aqoonsanayn baasaaboorka Somaliland.
Cali Gurey waxaa uu iftiimiyey kharashka ku baxaya baasaboorka Somaliya in uu ka badanyahay kharashka ay shacabka reer Somaliland kaga sameysan lahaayeen Xafiis laanta socdaalka iyo jinsiyadaha dawlada Federaalka somaliya oo ka furan magaalada Hargeysa.
“Maadaama aan baasaaboorkii Somaliland la ogolayn, dad badan oo reer Somaliland oo dibadaha ka shaqeeyaana ay baasaaboorkan isticmaalaan, dadka xanuunsanaya ee dhakhtar u baahan in la qaadana ay 200 oo doolar bixiyaan loogu keeno (Passport-ka Somaliya)halkan(Somaliland) qorshahaasi in la baabiiyo anigu waan kasoo horjeestay”ayuu yidhi
Cali Gurey waxaa uu intaasi ku ladhey oo uu yidhi “Waayo dadkii waxay sameeyeen iyagaa baahane in hadii uu Hargeysa 200 kaga helay uu Muqdisho ku tago 800 oo doolar dabadeedna baasaaboorkii iyaga oo ku khasban ay doo qaataan ileyn kama maarmayaane”