Guddoomiye Jawaari Oo Shaaciyey Maalinta Xukumadda Cusub La Horgeyn Doono Baarlamaanka
Muqdisho:Jan,14,2015(SDN/QJ)-Maalmo kadib markii Ra’isal wasaare Cumar Cabdirashiid soo dhisay Xukuumad aan wax badan kaga duwanayn middii dhawaan Baarlamaanku codka kala noqday, ayuu Guddoomiye Jawaare Ra’isal wasaaraha ku wargeliyey in MaalintA Sabtida soo socota Baarlamaanka horkeeno Golihiisa wasiirrada.
Guddiyada Joogtada Baarlamaanka Somaliya oo saacadihii ugu dambeeyay kulan ku yeeshay Xarunta Guddoonka Sare Baarlamaanka ee Villa Hargeisa, oo ku dhex taala Madaxtooyada Somaliya, ayaa waxaa Ra’iisal Wasaaraha loo sheegay in Sabtida loo muddeeyay, xilligii codka kalsoonida loo qaadi lahaa Wasiiradiisa.
Mahad Cabdalla Cawad, Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa ku dhawaaqay in Sabtida Ra’iisal Wasaaraha laga doonaayo in Wasiiradiisa uu horkeeno Baarlamaanka.
“Guddoonka waxa uu soo saaray in maalinta Sabtida ah ee soo socota Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid uu Barlamaanka horkeeno Golaha Wasiirada cusub iyo Barnaamijka Xukuumadda oo kooban, iyadoo lagu guda jiro dhammaadka kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Somalia.” Ayuu yidhi Mahad Cabdalla Cawad.
Cawad, ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ku wargeliyay in Sabtida ay soo xaadiraan kulanka ka qabsoomi doono Xarunta Golaha Shacabka, iyadoo Baarlamaanka uu go’aan ka gaadhaayo Xukuumadda uu soo dhisay Cumar C/rashiid.
Ra’iisal Wasaare Sharmaarke, ayaa waxaad mooddaa in waqtiga lagu soo yareeyay, marka aad u fiirsato Xildhibaanada oo si weyn uga soo horjeeda Xukuumaddiisa, isla-markaana uu u baahan yahay waqti uu ku kala fur furo Xildhibaanada gadoodsan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com