|

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe:Kolkii madaxweyne Axmed Siilaanyo la fadhiisiyay goobtii Madaxweyneyaasha ayay cadawgii Somaliland afka labadii yeedheen(DHEGEYSO)

London Feb 25,2012(SDN)-Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa nooga waramay ka qeybgalkii Somaliland ee shirkii Soomaaliya loogu qabtay magaalada London ee ay marti gelisay dawlada Britain.

Guddomiye Faysal waxa uu nooga waramay hab maamuuskii lagu soo dhaweeyay wefdigii balaadhnaa ee ka socdey Somaliland iyo sida ay u arkeen wefdigii ka socday Soomaaliya kolkii lagu qaabilay meqaam dawladeed.

“Kolkii madaxweyne Axmed Siilaanyo la fadhiisayay halkii madaxweyneyaasha oo maamul goboleedyadiina lala fadhiisiyay shaqaalahii dawlada ayay cadawgii Somaliland afka labadii yeedheen”sidaa waxa yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe,

Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale ka waramay sida shirkani uu kor ugu qaadey meeqaamkii Soomaaliland ee caalamka iyo in uu ahaa fursad dahabiya.

 http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/warabe.mp3

SDN-London
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed