|

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Aanu Xisbiga UCID Gobollada bariga Somaliland ka Jirin isagoona Shaaciyay Safar Uu Ku Tagi Doono Bariga DAAWO

Hargeysa,1jan,2015(QJ/SDN)-Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo lagu wado in socdaal ku tagi doona dhawaan bariga Somaliland ayaa tilmaamay in xisbiga Ucid aanu ka jirin bariga Somaliland, maadaama isaga iyo musharaxa UCID midkoodna ka soo jeedin gobollada Bari. Waxa uu sheegay inay u qorshaysan tahay sidii xisbiga looga dhigi lahaa mid qoran oo dadku iska wada dhex arkaan.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in Somaliland dunida ka gadoontay, islamarkaana hay’addaha caalamiga ah iyo kuwan qaramada midoobay hoos u dhigeen meeqaamka Somaliland. Waxa uu rajo fiican ka muujiyay qorshaha hadda wasaaradda khaarajigu waddo.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaal:

Comments are closed