Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Sida Somaliland Ictiraaf Ku Heli Karto iyo Sixir Bararka Dalka Ka Jira DAAWO
Hargeysa,24Dec,2015(QJ/SDN)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in midnimada Somaliland lagu dedaalo isla maamulka iyo dowladnimada la gaadhsiiyo gobollada bariga fog ee Somaliland.
Guddoomiye Waraabe, waxa kale uu sheegay in marka laga hadlayo arrimaha dibedda iyo ictiraaf raadinta aanay dadka reer Somaliland isku xidhnayn, ‘’sidii saddex iyo sagaashankii lagu wada heshiiyay waa in lasoo celiyo midnimadii Somaliland, oo xooga la saaro inaynu bariga maamulkeena iyo dhaqaalaheenna, iyo horumarkaba la geeyo, ceerigaabo way cabanaysaa, xuddun way cabanaysaa, Talee dagaallaa ka socda, haddii dhulkaas aanu maamulkeenu gaadhin, haddaanu sharcigeenu gaadhin ictiraaf helo mayno, markaynu gudaheenna hagaajino ayaynu ictiraaf dibeda weydiisan karnaa,.. haddaanay inna ogolayn awdal iyo laascaanood mala inna ogolaanayaa?,,’’ ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.
Dhanka kale, Guddoomiye Waraabe waxa kale oo uu ka hadlay SIxir bararka dalka ka jira, isagoo sheegay in sixir bararku uu dhabarka ka jabiyay dadka masaakiinta ah.
Hadalka Waraabe ayaa kusoo beegmaya xilli lagu wado in uu olole ugu baxo gobollada bariga Somaliland, waxaana hadalkiisu u muuqdaa mid uu ku beer-laxawsanayo dadka deegaanada bariga Somaliland.