Guddoomiye C/raxmaan Cirro Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Oo U Amba baxay Gobolka Tog-dheer
Hargaysa, 19 January, 2016-(SDN/QJ): –Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah Ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro iyo wafti culus oo uu hoggaaminayo ayaa hadda safar shaqo ugu kicitimay gobolka Tog-dheer.
Mr C/raxmaan Cirro oo maanta ka soo laabta safaro shaqo oo uu ugu maqnaa dalka debadiisa ayaa isla markiiba u amba-baxay magaalada madaxda Gobolka Tog-dheer ee Burco,waxaana safarkiisa ku weheliya xildhibaan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga WADDANI.
Gobolka Togdheer ayaa waxa si hab’sami ah uga socota diwaangelintii cod’bixiyayaasha,taas oo maalintii sabtiidi ee todobaad-kan halkaasi ka bilaamatay.waxaana hore u soo joogay masuuliyiinta sar’sare ee xisbiga WADDANI.
Guddoomiye C/raxmaan Cirro ayaa la sheegay inta uu ku sugan yahay Gobolka Tog-dheer inuu socdaal ku soo gaalaa bixin doono badi deegaanada hoos yimaada gobolka Tog-dheer, halkaasi oo sida la sheegay uu soo kormeeri doono goobaha kala duwan ee ay diwaangelintu cod-bixiyayaashu ka socoto, isla markaana uu shacabka reer Tog-dheer u jeedin doono khudbad ku tacaluq’da qaadashada kaadhka cod-bixinta iyo xoojinta amaanka inta ay diwaangelintu ka socoto gobolka Tog-dheer.