Guddoomiye Cirro Xukuumadu adigeey duulaan kugu tahaye Gollaha Wakiilada Kuma aha
Hargeysa Feb 07,2014(SDN)-Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada ee Somaliland isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Wadani Md Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay duulaan ku tahay gollaha Wakiilada ee Somaliland.
Guddoomiyaha oo ay hore wada shaqeyn hoose oo aaney xisbigiisa iyo mudaneyaasha Wakiiladuba la qabin la lahaa xukuumada Axmed Siilaanyo.
Wasiirka Madaxtooyada oo haatan dabada ka riixaya Soo jeedimo xilka looga tuurayo Guddoomiye Cirro ayaa dhawaan shaaciyay in Baarlamaanka ay marsadeen shuruuc faro badan.
Guulaahaas sharciyada dalka baalmarsan ayaa waxa la ogyahay in uu gacan ka siiyay guddoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro.
Masuuliyada Xukuumada xadka goosatay ee Axmed Siilaanyo waxa eedeeda u weyn leh Gollaha Wakiilada ee hogaan xumo awgeed ka ogolaaday in xuukamada la waayo cid xakameysa.
Guddoomiyaha hadalkan ka soo yeedhay ee uu ku afgobaadsanayo shacabka Soomaaliland ayaan aheyn qaar dhego qalbi u duleela ku dhacaya.
Hadii xukuumadu kolkan ay dooneyso in ay ka takhalusto Guddoomiye Cirro waxba kama duwana sharci jebintoodii hore ee Md Cabdiraxmaan Cirro ka ogolaan jiray.
Si kasta oo ay noqoto berito,waxa la filaaba waa mucaaradad dhab ah oo la helo ama xukuumad shuruucda dalka u hogaansanta.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com