Guddoomiye Cirro Oo Mudanayaasha Wakiillada u Fasaxay inay Su’aalo kaga Ciil Baxaan wasiir Waran-cadde, balse Hal su’aal ah isbaaro hor dhigtay
Hargeysa:8-Sep-2013(SDN)-
Wasiirka oo ay xildhibaanadu su’aalo badan ku boobeen, ayaa uu Guddoomiye Cirro difaac adag ka galay in la weydiiyo su’aasha la xidhiidha meesha ay ku dambaysay xubinimadii wasiir waran-cadde ee xisbiga Waddani, waxase uu mudanayaasha u fasaxay su’aal kasta oo aan ahayn middaas la xidhiidha xisbiga waddani.
Mudanayaasha Golaha gaar ahaan kuwooda mucaaridka ah oo aan ku farxin sida dhibka yarayd ee uu wasiir waran-cadde u aqbalay jagada wasiirka arrimaha Gudaha xilli uu xubin muhiim ah ka ahaa xisbi mucaarid ah, ayaa maalintii shalay geed dheer iyo mid gaaban ba u fuulay sidii ay wasiirka u weydiin lahaayeen waxa ku kallifay go’aankaas uu xukuumadda kulmiye kaga mid noqday, waxase middaas gaashaanka u daruuray Guddoomiye Cirro.
Ugu yaraan laba jeer ayaa xildhibaanadu isku dayeen inay su’aashaas si toos ah u weydiiyaan wasiirka, balse waxa labadaas goorba ganafka ku dhuftay Guddoomiye Cirro oo u muuqday inay waran-cadde isku sii ogaayeen inuu su’aashaas mooyaane wixii kaleba ku soo daayo.
Xildhibaan Bulqaas ayaa isagu goor horeba badheedhihiisa ka dhiibtay su’aashaas, maadaama ay tahay mid ku liqdaaran dad badan oo waran-cadde taageeri jirey xilligii uu ka tirsanaa xisbiga waddani, waxana markiiba diiday su’aashaas guddoomiye cirro, isagoo cudur-daar ka dhigtay inay su’aashaasi tahay mid shakhsi oo aanay wixii shaksiyadda la xidhiidhaa ku jirin.
Sidoo kale waxa isaguna isku dayey inuu su’aashaas la xidhiidha halka ay ku dambaysay xubinimadii wasiirka ee xisbiga waddani iyo sababta ku kalliftay inuu xilkan qabto xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, waxase sidii caadadu ahayd markale ku sheegay su’aal shakhsi Guddoomiye Cirro.
Shuruuddii ahayd inaan su’aal shakhsi wasiirka la weydiin Karin, ayaase jabtay markii mid ka mid xildhibaanadu uu su’aalay bal waxa uu wasiirku magaalada dhexdeeda ugu hayo xayawaanka halista badan ee libaaxa oo dad badan cabsi ku abuuray, Guddoomiyuhuna ma uu diidin su’aashaas waxana toos uga jawaabay wasiirka oo waliba kaftan badan ku sii daray.
Is-hortaagga uu shalay Guddoomiye Cirro ku sameeyey su’aashaas la xidhiidha xisbigiisa, ayaa loo arkaa inuu kaga gaashaamanayo xidhiidhka hoose ee lagu xanto inuu ka dhexeeyo xisbiga Talada Haya ee kulmiye iyo xukuumaddiisa, si aanay dibadda ugu soo bixin inay jirto wada-shaqayn hoose.
Madashii shalay lagu ansixinayey wasiir waran-cadde waxa ka soo xaadiray xubno sarsare oo xisbiga waddani ka tirsan, taas oo caddaynaysa inay wali jiraan xidhiidh fiican oo ka dhexeeya wasiirka iyo saaxiibaddiisii xisbiga waddani halkii laga eeayey inay kala irdhoobaan maadaama uu haatan si toos ah uga mid noqday Golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, waxana ay taasi si cad u muujinaysaa inay labada xisbi si gaar ah iskugu xidhan yihiin, taas oo la odhan karo Wasiirku xisbigiisii waddani kama maqna’e wuu u maqan yahay.
Somalidiasporanews.com