|

Guddoomiye CIRRO Oo Madaxweynaha Ku Amaanay Inuu Xisbiyada Mucaaradka Ah Ku Raacay In Doorashada Dib Loo Dhigo

Hargaysa 23. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay Xaaladaha is-biirsaday ee Shacabka Somaliland ku jiraan, sida Abaarta Adag ee Dalka ka jirta, Dhoofka Xoolaha ee la joojiyey iyo Sicir-bararka Doollarka.

Guddoomiye Cirro oo Shalay khudbad ka jeediyey Munaasibad uu Xisbiga WADDANI ku soo dhaweeyay Taageerayaal ku biiray ayaa sheegay in baaqyadii Gurmadka Abaaraha ee Xukuumadda Somaliland u dirtay Beesha Caalamku aanay halkii loo baahnaa gaadhin, maaddaama buu yidhi aan illaa hadda Dalalka Adduunku aanay wax gurmad u soo dirin Somaliland.

“Waxa shacabkeena Somaliland haysata dhibaatooyin is-barkan, dhibbaatada koowaad waa Abaar Sooma reebto ah, waxaana la sheegay in ay taariikhda ahayd abaartii ugu xumeyd boqolkii sanadood ee soo socday. Waxa kale oo shacabiga reer Somaliland haysata dhibaato kale oo aan ka sahlayneyn ama ka culusba Abaarta oo ah Sicir-bararka, kaas oo taabtay nolosha Qof kasta oo reer Somaliland ah, oo kii boqolka Dollar loo soo dirayey Maanta Konton buu noqday qiimahiisii, oo halka dollar wuxuu qiimahiisii marayaa Sagaal kun oo shilinka Somaliland ah, halka ay Xukuumaddu ugu timi markii hore 6500 Shilling, markaa xaaladdan waxa iskugu biirtay shacabka abaar iyo sicir-barar aan naxariis lahayn. Waxa kale oo sii cusleeyey Xaaladda iyada oo la joojiyey dhoofkii Xoolaha oo ahaa laf-dhabartii dhaqaalaha dalka ama nolosheena, sidaas daraadeed horena waanu ugu baaqnay haddana waanu ku baaqeynaa oo waanu cusbooneysiinayaa baaqaas.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Qaylo-dhaantii Xukuumaddu u dirtay beesha Caalamku aanay gaadhin, “Dhammaan Shacbiga, Xukuumadda iyo beesha Caalamka waxaaanu u soo jeedinayaa in shacbiga reer Somaliland loo soo gurmado, waxay u eeg tahay in qaylada Xukuumadda KULMIYE ay aad u hooseyso, baaqii weli caalamku ma maqal oo ma gaadhin, waxaanu u sheegeynaa in baaqeeda iyo qeyladeedaba ay kor u qaaddo.”

Guddoomiye Cirro waxa kale oo uu ka hadlay sababta WADDANI iyo UCID ay u soo jeediyeen in Xukuumadda loo sameeyo Muddo kordhin Lix bilood ah, “Sida aad wada ogeydeen Axsaabta mucaaradku waxa ay soo jeediyeen Lix bilood oo aanu ku qiyaasnay muddada ugu yar ee lagaga bixi karo xaaladda abaarta, waxaana aanu rajeynaynaa haddii aan ra’yi ka wanaagsan la keenin in kaa la qaato haddii Alle ka dhigo. Markaa abaartaas waxa aanu ku qanacnay in shacabka aanu dooneyno in aanu madax u noqono ee aanu codka Doorashada ka dooneynaa in aanay suurto-gal ahayn iyaga oo xaaladdaas ku jira in aynu u qeybino kaadhadhkii codbixinta Doorashada, iyo in ay Doorasho qabsoonto midna.”ayuu yidhi, waxaanu imtaa ku daray, “Waxaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo aan uga mahad-naqayaa inuu ku raacay Axsaabta siyaasiga ah ee Mucaaridka ah in aanay Doorashadu suurto-gal ahayn 28ka March 2017ka.”

Guddoomiyaha WADDANI, wuxuu sheegay in Doorashada lala sugayo Raxmaadka Alle, “ILAAHAY waxaynu ka baryeynaa inuu Abaarta inaga soo jebiyo oo uu Roob khayr qaba inoo keeno, Doorashadana waxaynu la sugeynaa marka uu Roobku inoo da’o.”ayuu yidhi.

Comments are closed