|

Guddoomiye Cirro Oo Maanta Looga Fadhiyo Fulinta Ballan Uu Hore Uqaaday Oo La Xidhiidhay Bannaynta Kursiga Wakiillada Ee Uu 10-Ka Sano Kusoo Fadhiyey

Hargeysa:Sep,12,2015(SDN/QJ)-Waxa la gaadhay xilligii la oofin lahaa Ballan uu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro) galay sanadkan Gudihiisa, taas oo   uu ku cayimay xilliga uu Bannayn Doono Kursiga uu Muddada dheer kasoo hayey Aqalka Wakiillada.

kooBallanta uu galay Guddoomiye Cirro ee Xilligii uu fulin lahaa la gaadhay ayaa ahayd in Marka ugu horraysa ee madaxweyne Siilaanyo Degreeto kusoo saaro Wakhtiga ay doorashooyinku dhacayaan uu ka hulleeli doono Guddoomiyenimada Wakiillada, isla-markaana uu u banbixi doono sidii uu Tartan xalaal ah oo madax bannaan ugu ban bixi lahaa.

Guddoomiye Cirro oo Muddo Toban sano ah kusoo fadhiyey Kursiga Golaha Wakiillada, isla-markaana uu Madaxweyne Siilaanyo Door weyn ku lahaa inuu Kursigaas ku fadhiisto, ayaa markii uu  u holladay inuu xisbi Samayto, isla-markaana Hoggaaminta Dalka u ban baxo, waxa uu cadaadis badani kaga yimi dhinaca Bulshada iyo Siyaasiyiinta kale ee la tartamayaba, waxase uu cadaadiskaas iska khafiiyey Markii uu shuruud xilligaas madaxweynaha ku adkayd cuskaday.

Mudane Cirro ooh ore in badan loogu dhaleeyey labada kursi ee uu isku hayo, ayaa taageerayaashiisa hore ugu qanciyey inuu diyaar u yahay inuu Awoodda saaro Dhismaha Xisbigiisa, isla-markaana uu diyaar u yahay inuu Iska casilo Guddoomiye-nimada Wakiillada marka ugu horraysa ee madaxweyne Siilaanyo ku dhiirrado inuu cayimo maalinta Doorashooyinka madaxweynimada waddanka laga qaban doono, iyadoo arrintaasna si weyn loogu qancay.

Laba maalmood ka hor markii uu madaxweyne Siilaanyo soo saaray Degreeto ku taaraykhaysan Dhammaadka Bisha Saddexaad ee Sanadka 2017-ka dalka lagaga qaban doono Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada, ayaa dib loo xasuustay Ballantii uu Guddoomiye Cirro Taageerayaashiisa u qaaday ee la xidhiidhay iscasilaadda Kursiga Guddoominimo ee Wakiillada, taas oo laga sugayo inuu sida ugu degdegga badan uga Dhabeeyo,

“Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada waxan iska casili doonaa marka Madaxweynuhu degreeto kusoo saaro Maalinta Doorashadu dhacayso.” Ayaa kamid ahaa eraydii afka Guddoomiye Cirro kasoo yeedhay  markii uu Ballantan fulinteeda looga fadhiyo uu qaaday.

Cadaadiska ugu weyn ee Guddoomiye Cirro ku riixayo inuu Kursiga Golaha Wakiillada iskaga tago, ayaa ka imanaya Xubnaha ugu culculus xisbigiiga, kuwaas oo aaminsan in Xisbigu u baahan yahay dhisid iyo dardargelin horleh, maadaama wali wax badani ka qabyo yihiin, isla-markaana ay aaminsan yihiin in wax badani kaga maqan yihiin laba gar-daaqnimada Guddoomiyahooda oo looga baahan yahay inuu dhinac uun iskugu lugo duwado.

Sidoo kale Xukuumadda ayaa il gaar ah ku eegaysa Go’aanka uu Gudoomiye cirro qaato maadaama ay u fuliyeen rabitaankiisii ahaa inay cayimaan maalinta Doorashadu dhacayso, waxana wali ay shaki ka qabaan inuu Ballantaasi fulin doono, maadaama uu wali muujinayo isku sii dhejinta Kursiga Wakiillada.

Xukuumadda, Shacabka iyo Saraakiisha Xisbiga Waddani, ayaa u fadhiya jawaab ay ku qancaan oo Guddoomiye Cirro ka bixiyo ballantii ay inta badan sugayeen ee uu hore ugu qaaday, balse wax waliba waxa ay ku xidhnaan doonaan Go’aanka uu Qaato.

 

Xigasho:Wargeyska Hubaal

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed