|

Guddoomiye Cirro oo Maanta Furay Maktabadda Akhriska Kutubta iyo Buuggaagta ee Boorama Public Library SAWIRO

Boorama 20 February, 2016 (SDN/QJ): – Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta furay Maktabadda  Kutubta iyo Buggaagta ee magaalada Boorama oo ay yagleeleen dhallinyaro, aqoonyahan iyo qurba-joog ka soo jeeda gobalka Awdal.

Waxaana munaasibad kooban oo furitaankii Maktabadda looggu sameeyey xarunta Maktabaddaasi ee Boorama, ka soo qeyb-galay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), guddoomiye ku xigeenka Axmed Muumin Seed, xubno ka mid ah hoggaanka iyo guddida fulinta WADDANI, dhallinyarada iyo aqoonyahanka yagleelay xaruntan iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha  Akaademiyadda horumarinta cilmiga iy caqliga ahna agaasimaha Maktabadda akhriska kutubta iyo buuggaagta ee Boorama Public Library Aqoonyahan Ayaanle Cabdiraxmaan Ibraamhim Iidle oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay in guddoomiye Cirro uu u furo Maktabadda akhriska ee Boorama, waxaana uu ka xogwaramay qaabka ay ugu suurto-gashay hirgelintan Maktabaddani, isaga oo carabka ku dhuftay in ay aas aaseen dhallinyaro iyo aqoonyahan ka soo jeeda gobalka Awdal oo aan wax dhaqaale ah ka helin xukuumadda iyo hay’addo kale toonna.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay in uu maanta furo Maktabadda akhriska buuggaagta ee Boorama, isaga oo carabka ku dhuftay in dhallinyarta uga mahad-celinaayo fikirka tolmoon ee ay ku aas aaseen Maktabaddan oo uu sheegay in ay wax badan ka tarayso akhriska iyo kobcinta garaadka bulshada, waxaana uu hoosta ka xariiqay in ay ka xisbi ahaan hore Maktabaddan ugu deeqeen buuggaag sida oo kalena ay maanta diyaar u yihiin in wixii karaankooda ah ay kala qeyb-qaadan doonaan dhallinyarta is-xil-qaantay, isaga oo u rajeeyey in mustaqbalka ay noqon doonto Maktabadda ugu horreysa guud ahaan geeska Afrika.

IMG_0868 IMG_0869 IMG_0880 IMG_0886 IMG_0888 IMG_0890 IMG_0892 IMG_0893 IMG_0896 IMG_0899 IMG_0900 IMG_0901 IMG_0903 IMG_0904 IMG_0905 IMG_0906 IMG_0907 IMG_0908 IMG_0909 IMG_0910 IMG_0911 IMG_0912 IMG_0913 IMG_0914 IMG_0915 IMG_0917 IMG_0918 IMG_0919 IMG_0920 IMG_0922 IMG_0923 IMG_0926 IMG_0928 IMG_0929 IMG_0931 IMG_0937 IMG_0941 IMG_0942 IMG_0943 IMG_0945 IMG_0949 IMG_0953 IMG_0955 IMG_0956 IMG_0959 IMG_0961 IMG_0963 IMG_0966 IMG_0967 IMG_0969 IMG_0970 IMG_0971 IMG_0980 IMG_0983 IMG_0985 IMG_0986 IMG_0988 IMG_0997 IMG_0998 IMG_0999

Comments are closed