Guddoomiye Cirro Oo Ka Jawaabay Su’aallo Saxaafaddu La Boobtay DAAWO
Hargeysa,16Nov,2015(QJ/SDN)-Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ahna guddoomiyaha Wakiillada, ayaa si kooban uga jawaabay su’aalo ku saabsan warar muddooyinkii u dambeeyay soo baxayay oo ku saabsan xisbiga Waddani, waxaanu qaarkood ku sheegay inaanay waxba ka jirin.
Guddoomiye Cirro oo saxaafaddu waydiisay bal inay wada hadal yeesheen isbahaysiga doorasho doonka Kulmiye ee u badan wasiiraddii iscasilay iyo labadiisa guddoomiye xigeen ee wakiillada ayaa si dadban u sheegay inay kulamo la yeesheen, balse kooxdaasi wali sheeganayso isbahaysi Kulmiye ah. Sidoo kale wakhti guddoomiye Cirro dalka ku soo laabanayay ayuu iftiimiyay inay telefoonka ku wada hadleen xubnaha mucaaradaya musharaxiinta Kulmiye.
Guddoomiyaha Waddani oo sidoo kale wax laga waydiiyay inuu ogol yahay in musharax xigeenka lagula tartamo Axmed Muumin Seed, wuxuu sheegay in guddoomiye xigeenkiisu aasaasayaashii ka mid yahay wax kala duwanaansho ahina u dhexayn balse si toos ah uma sheegin in lala tartami doono.
Halkan Hoose Ka Daawo Saxaafadda Oo Su’aallo La Boobtay Guddoomiye Cirro: