Guddoomiye Cirro Oo Beeniyey Inuu Guurtida u Gudbiyey Waxka Beddel iyo Dib-u-sax uu Ku Sameeyey Xeerka Diiwaangelinta
Hargeysa:Nov,02,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa waxba kama-jiraan ka dhigay inuu dib u saxay ama waxka beddel ku sameeyey Xeerka Diiwaangelinta Codbixiya-yaasha oo ay Hore Golaha Guurtidu usheegeen inay wax ka Khaldan yihiin.
Guddoomiye Cirro oo maanta la Hadlay qaar kamid ah warbaahinta Dalka, ayaa si cad usheegay in xeerkii la yaallo Golaha Guurtida, isla-markaana aan halkiisii dib looga soo celinin.
Guddoomiye Cirro waxa uu tilmaamay inuu jawaabay Waraaq kaga timi dhinaca Guddoonka Guurtida, taas oo aan la sheegin waxa ku qornaa,
“Golayaasha qaranku waxa ay leeyihiin qaab ay ku wada Shaqeeyaan, hore waxa saxaafadda lagu qoray waraaq uu Guddoomiyaha Golaha Guurtidu Golaha wakiillada, anigoo eegaya ixtiraamayana Wada-shaqaynta Golaha, jawaabtii waraaqdaas uu Guddomiyuhu ii soo diray ayaan diray.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro waxa uu tilmaamay inaanu xeer Cusub uu Guddoomiyaha Guurtida u diray, waxana uu xusay inuu sababta waraaqdaa jawaabta ah uu u qorayna ay ka ahayd oo kaliya ixtiraamka labada dhinac u dhexeeya, waxana uu yidhi,
“xeer cusubna umaan dirine xeerkii Golaha Guurtiduu la Yaallaa, laakiin wada shaqayntaaas ayuun baan ixtiraamay.”
Dhinaca kale waxa uu Guddoomye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro baaq u diray xukuumadda Somaliland, isagoo ugu baaqay inay dib xorriyadooda ugu soo celiso wariyayaasha ku xidhan deegaanka Gabiley oo loo Haysto arrimo ka dhan ah xisbiga Talada haya ee Kulmiye.
Saaka ayey qaar warbaahinta ka mid ah shaaciyeen inuu jiro waxka bedel uu Guddoomiye Cirro ku sameeyey Xeerka Buuqa dhaliyey ee Diiwaangelinta, kaas ooh ore garabka Xukuumadda taageeraa u sheegeen inuu si hoose wax ugu Beddalay, balse Xubno kale oo uu Guddoomiyuhu ku jiraa Beeniyeen.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com