GUDDOOMIYE CIRRO: KHABIIR KU XEEL-DHEER XALINTA KHILAFAADKA
Guddoomiye Cirro, waa diploomaasi ku xeel dheer xalinta khilaafaadka ( Crisis Management ) heer Qaran- heer Gobol- heer Gole iyo heer Shakhsi. Mucjiso wayn waxa noqotay inaanu khilaaf ka dhex qarxin Golaha Wakeelada muddo dhan 8 sandood . Waxa mujciso kale noqotay xisbigga WADDANI oo aan lahayn isqab-qabsi iyo xag-xagasho , marka la barbardhigo Kulmiye & UCID . Mar walba khilaaf wuu soo baxaa, laakinse Guddomiye Cirro wuxuu ku maamula is qan-cin , kala danbayn, nidaam, sharci, iyo diplomaasiyad. Dhinaca kale, Guddoomiye Ciro wuxuu soo afjaray khilaaf beleedyo sababi lahaa dagaal sokeeye, sida shaqaaqadii Gaashaamo ee July,2013. Ugu danbayn, Guddoomiye Cirro wuxuu damiyay khilaaf gacan ka hadal gaadhay, oo dhexmaray Xildhibaan Buuba iyo Xildhibaan Kijaandhe.