|

Guddoomiye Cirro iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Gaadhay Magaalada Boorama

Boorama,9sep,2015(QJ/SDN)-BooramaWafti uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa saaka u anba baxay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal.

Waftigan ayaa ka kooban Xildhibaano Golaha Wakiilada oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Gudida Shuruucda, Garsoorka iyo xuquulal insaanka Mudane Xildh Siciid Cilmi Rooble, Guddoomiyaha Gudida khayraadka dabiciga ah Mudane Xildh Siciid Warsame Ismaciil (Gaanne), Guddoomiyaha Gudida joogtada iyo anshaxmarinta Xildh Ibraahim Mahdi Buubaa, Guddoomiyaha Guddida Arimaha Gudaha iyo difaaca Xildh Ibraahim Jamac Cali (Rayte), Guddoomiye ku xigeenka Guddida Arimaha Bulshada, Xildh Cabdiramaan Maxamed Jamac (Awxoog), xildhibaano kale oo ay ka mid yihiin Xildh Cali Sheekh Ibraahim (Aareye), Xildh Weli Axmed Xaawa, sidoo kale waxaa waftigaas qayb Mudane Qaasin Sheekh Ibraahim (Tubeec).

Ujeeda safarkaas ayaa daaran ka qayb galka Xafladda Qalin jabinta EELO ee Magaalada Boorama

11-300x225 24-300x225 33-300x225 41-300x225

Comments are closed