|

Guddoomiye Cirro Gacmaha Isku Saaray Labadii Xildhibaan Ee Gacan-ka-Hadalku dhex maray

Hargeysa:21-Sep-2013(SDN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (cirro), ayaa Habeenkii xalay casho-sharaf uu hutel Ambassador ku sameeyey gacmaha iskugu  saaray labadii xildhibaan ee Dhawaan Gacan-ka-hadalku ku dhex maray Golaha dhexdiisa.

cirrrrKulankan  labada xildhibaan  ee kala ah Ibraahim Mahdi Buubaa iyo Axmed Nuur Kijaandhe lagu heshiisiinayey, ayaa waxa ka soo xaadiray xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Labaad ee Golaha wakiillada Cali Yuusuf, waxana halkaas si kal iyo laab ah loogu soo afjaray khilaafkii yaraa ee jirey.

Shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa si weyn xil iskaga saaray inuu dhameeyo khilaafkan soo kala dhex galay labadan xildhibaan ee Golaha ka tirsan, waxana ilaa iyo maalintii ay arrintu dhacday uu iskaga dab qaadayey xildhibaanadan arrintu  dhex taalay oo uu ugu dambayntii ku Guulaystay.

Khilaafkan kala dhex galay labadan xildhibaan, ayaa waxa sababay xeerka Horumarinta wadddooyinka madaxtooyadu dabada ka riixayso, waxana  uu haatan xeerkaasi marayaa meel xaasaasi ah, iyadoo laga warwar qabo in ansixintiisana la isku faro saaaro.

Shirgudoonka golaha wakiilada ayaa ka hawlgalay inay dhameeyaan khilaafkii labada xildhibaan ee gaadhay gacanka hadalka

  Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

Comments are closed