“Guddoomiye Cirro Ayaa Inaadeerkii Bukhaari Booskaygii Geliyey, Markii Aan Sababta Weydiiyeyna Waxa La Iigu Jawaabay Adigu Daarood Baad Tahay.”Xildhibaan Cabdiwaadir Xaamud.
Hargaysa:June,02,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo katirsan Golaha Wakiillada Somaliland, lagana soo doorto Bariga Gobolka Sanaag, ayaa si adag uga Hadlay faquuuq iyo takoorid ay kula kaceen Shirguddoonka Golaha Wakiilladu, kaas oo salka ku haya Safarro uu sheegay inuu xaq u lahaa oo Xildhibaanno kale la geliyey.
Mudanahan oo Maanta saxaafadda Kula Hadlay Xarunta Golaha Wakiillada, ayaa cabasho xooggan ka muujiyey Hannaanka ay Shirguddoonku u maamulaan Golahaas, taas oo uu ku sheegay mid qabyaalad salka ku haysa.
Waxa uu sidoo kale ka jawaabay Hadallo uu sheegay in Guddoomiye Faysal Dhawaan Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Guurtida ka sheegay, kuwaas oo salka ku hayey Faquuqid uu tilmaamay inuu Somaliland kaga sheeganayey.
.“waxaan ka mid Ahayn Guddida daba Galka Hantida qaranka ee golaha wakiilada,mar guddoomiye ku xigeen ayaan ahaa oo dhamaan waa lakaxeeyay,waxaana lageeyay Ethiopia,aniga basaboorka Soo badal ayaa laygu yidhi waan soo badalay oo basaboorkii kale ayaan soo qaatay ayaa laygu yidhi ka noqo Adigu ku dhoofi mayside,hadana guddida hantida ayaa mid kale u soo baxay tiina waa layga reebay oo ninkaas golaha haysta inadeerkii oo bukhaari ah ayaa lagu daray,aniga ayaa xaq u leh ee maxaa dhacay waxa laygu jawaabay adigu darood ayaad tahay.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud.
Mudane Cabdiqaadir oo Hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku daray,
“Saddexda nin ee shirguddoonka ah balan lama Galo ama Lama Beeneeyee waxan idin tusi Doonaa iyaga oo golaha laga qaaday,sharciyadii dalka ayay ku tunteen oo golahii ayay madaxa isku galiyeen,Baashe waxa uu yidhi Guurtidu maxay tahay,Markalena waxa uu yidhi golaha boqol Dollar ayaan ku imi,ana baroon ayaan ku imi Halkan,anigu qori qaadan maayo lakiin waxaan ku dagaalamayaa Qalin.”
waxa uu ka hadlay miisaaniyada golaha wakiilada oo xisaab La’aan Shirguddoonka ku soo gashay.“Miisaaniyada golaha wali cidi may Xisaabi inta Lacag soo gasha iyo halka ay ku baxaan,intii uu joogay wasiirka maaliyaddu ayuu golahi sifiican u dhismay,Shirguddoonka Maanta Joogaa Golahii way kala Qaybiyeen Cuqdad ayay galiyeen,hada ka horna sidii loo galay Labada Guddoomiye ku xigeen ayaa maanta loogalayaa iyo Guddoomiyahaba markii ay Dhib mooyaane dheef soo kordhin wayeen.
Guddoomiyaha xisbiga ucid oo ka hadlay sharciyada golaha guurtida fartana ku goday guddoomiye ku xigeenka 1aad ayuu u jawaabay waxaana uu yidhi.“Faysal Cali Waraabe waxa uu timo wayne ku yidhi ninka badhan joogaa hargaysa maxukumi karo,dalkana anigu waxaan u haystaa inuu somaliland oo dhan ka dhaxeeyo,waxaan moodayay in aynu wax isku darsanay oo waynu dumuq-raadiyada shaqaynayso lakiin hadii hargaysa laygu han-jabay maanta oo Faysal Cali waraabe hanjabayo,markaas uma haysto in cidi wax wada leedahay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com