Guddoomiye Baashe oo Saxaafadda Madaxa-bannaan Ka Raalli-geliyey Go’aan lagaga Hor-istaagay Golaha Wakiillada Kuna Baaqay in Laga Waantoobo Qabyaalada Xiligan adag ee Somaliland Gashay DAAWO
Hargaysa 02. September 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa waxa uu ka hadlay heerka ay qabyaaladu marayso,isaga oo shacabka ugu baaqay inay ka waantoobaan qabyaaladda.
Sidoo kalena, waxa uu Saxaafadda Madaxa-banbnan ka raalli-geliyay go’aankii Axaddii toddobaadkii hore loogu diiday inay ka qaybgalaan Fadhigii lagu doortay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golahaas. Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax oo arrimahaas ka hadlaya, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-