|

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo Booyado Biyo ah ugu Deeqay Dadka Abaarahu Sameeyeen Ee Gobalka Gabiley

Gabiley 12. February,2016(SDN/QJ):– Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa ku dhawaaqay in deegaanada abaarahu ay saameeyeen ee gobalka Gabiley ay ugu deeqeen 10-Booyaddood oo biyo ah, ka dib markii uu Shalay la Kulmay dadweynaha ku dhaqan Magaaladaasi Xili uu ku sii Jeeday Gobolka Awdal oo uu haatan ku Sugan yahay .

68af2e77-53e9-4c40-afbc-f51febd032c7Weftigan oo guddoomiye Cirro ay ku wehelinaayeen, qaar ka mid ah hoggaanada, guddida fulinta, gabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan, ayaa waxa gudaha magaaladaasi si ballaadhan ugu qaabilay taliyahii hore ee ciidamada qaranka Somaliland Taliye Jidhif, qaar ka mid ah siyaasiyiinta, wax-garadka iyo aqoon-yaqanka gobalka Gabiley.

 

Ugu horreyna qaar ka mid ah odeyaddii iyo wax-garadkii halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey socdaalka guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Cirro, waxaana ay uga xog warameen xaaladda guud ahaaneed ee gobalka Gabiley, iyaga oo carabka ku dhuftay in ay jiraan abaaro saameeyey meelo ka mid ah deegaanaddaasi.

 

“Aad iyo aad ayaanu guddoomiye ugu faraxsan nahay in aad na soo booqato, waxaana aanu kaaga mahad-celinaynaa socdaalka aad adiga iyo weftigaagu saaka nooggu timaadeen aroornimaddii hore. Guddoomiye Cabdiraxmaan guud ahaan gobalka xaaladdiisu waa iska fiican tahay marka laga reebo meelo ka mid ah oo ay ka jiraan abaaro ba’an ku waasi oo ay dadka ku dhaqan deegaanaddaasi ay biyo la’aan xooggi saamaysay, waxaana aan guddoomiye kaa codsanaynaa in aad wixii karaankaaga ah ka qaadatid biyo la’aanta xooggan ee jirta.”.Ayey yidhaahdeen qaar ka mid ah odeyada iyo siyaasiyiinta gobalka Gabiley.

 

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Cirro, oo isna halkaas ka hadlay, ayaa dhankiisa sheegay in ay farxadweyn u tahay in uu soo booqdo gobalka Gabiley, isla mar ahaantaana uu abaaraha jira kaga qeyb-qaadanaayo 10-booyaddood oo biyo ah in loo dhaamiyo dadka ay baarahu saameeyeen.

 

“Farxadweyn ayey ii tahay in aan socdaal idinku soo maro, waxa aan u soconaa gobalka Awdal oo ay ka dhacayso xafladdii furitaanka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, se abaaraha deegaanka ka jira oo ah runtii kuwo aad u ballaadhan aad iyo aad ayaanu diyaar idin ku nahay in aanu idin kala qeyb-qaadano, waxaana aan idiin sheegayaa oo aan halkan kaga dhawaaqayaa in aan ka xisbi ahaan ku deeqno 10-booyaddood oo biyo ah oo aanu kaga qeyb-qaadanayno abaaraha si wax looggu taro dadka ay saameeyeenn.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Cirro

Comments are closed