|

Guddoomiyaha xisbiga UCID oo si weyn loogu soo dhaweeyay Minneapolis(SAWIRO)

Minneapolis July 07,2014(SDN/QJ)-Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md Faysal Cali Waraabe ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Mineapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Guddoomiyaha ayaa waxa halkaa ku qaabilay qeybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland ee halkaa ku dhaqan.

Sidoo kale Guddoomiyaha waxa halkaa ku soo dhaweeyay madax sare oo ka mida xisbiga UCID iyo siyaasiyiin reer Somaliland ah oo magaaladaa ku nool.

Gudoomiyaha iyo masuuliyiinta ayaa goobta kulanka oo aad u quruxbadneyn kula hadlay jaaliyada reer Somaliland rr Minneapolis.

 

Comments are closed