|

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Ka Dareen-celiyay Go’aankii Ay Maxkamadda Sare Ee Dastuurigga Ahi Kusoo Af-jartay Murankii Muddo-kordhinta

Hargeysa,18Aug,2015(QJ/SDN)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, MD. Faysal Cali Waraabe,ayaa ka hadlay dareenka Xisbigii ee Go’aankii ay Maanta soo saartay Maxkadda Dactuuriga ah ee JSL,Waxaana uu sheegay inay tahay go’aan adag,balse ay qaadanayaan,isla markaas-na ay Ixtiraamayaan go’aankeedda,maadama ay tahay Halkii Dalka ugu saraysay “De horta go’aanka maxkamadda waa lagu qasbanyahay in la ogolaado inkastoo aanu aragno in qaraarkaasi yahay qaraar waxyeelo badan gaadhsiinayaa dalkeena,haddana annagu waanu ogolaanay , waa maxkamadeeni sare ixtiraam ayay naga mudantahay” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe

Gudoomiyuhu waa uu sii hadlay,waxaana uu waxaana uu farta ku fiiqay sababta ugu soo horjeedeen Go’aanka Gollaha Guurtidda ee ay maanta Maxkamaddu taageertay “Waxaa la is waydiin karaa maxay is dhaaamaan sannad iyo lix bilood iyo sannad iyo toban bilood , annaga affar bilood waxba nalamay ahaanteen Laakiin waxaa weeye dadba waxan inalala leh waxaynu iibin jirnay Doorasho ayay ahayd immika waad aragtaano dada kala duwan ayaa inala jooga oo ka wakiil ah daneeyayaashi caalamka ee inaga caawin jiray Doorashooyinka , markaa annagu duuduub ku liqnay kiniinka qadhaadh , waa in sadexdayada Gudoomiye caalamki tagnaa oo aanu ka soo dhaadhicinaa go’aankaasi maxkamada wixii ay ina tari jireenna aanay meesha ka saarin si doorasho inoogu dhacdana dhaqaalihii bixiyaan” ayuu hadalkiisa kusoo xidhay Guddoomiyaha Xisbiga UCID.

Comments are closed