|

Guddoomiyaha Xisbiga Muraaridka ah ee WADDANI oo safar aan Ujeedadiisa la Cadayn ugu baxay waddanka Jabuuti

Hargaysa 28.Dec 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Goor dhawayd oo maanta ag  ka dhoofay gegida diyaaradaha Magaalada Hargeysa ee Cigaal international Airport isaga oo u sii jeeda Waddanka Jabuuti,

 

Photo Fille

Photo Fille

Safarkan Guddoomiye Cirro ku baxay ayaa qaadan doona muddo todobaad ah, waxaanu la kulmi doonaa masuuliyiin ay ka mid yihiin madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, Wasaaradda arimaha Debeda, qaar ka mid ah Wakiilada Safaaradaha ingiriiska, maraykanka, itoobiya, waxayna ka wada hadli doonaan arimaha mandaqada oo ay ugu horayso dhinaca amniga, horumarinta iyo guud ahaan xaalada geeska afrika oo ay ugu horayso Somaliland iyo jabuuti.

Comments are closed