|

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo shalay aan ka soo xaadirin soo dhaweynta madaxweyne Siilaanyo maxay tahay sababtu?

Hargeysa Feb 09,2012(qurbejoog.com)-Hogaamiyaha xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay u tegay madaarka Hargeysa sidii uu uga qeybgelilahaa soo dhaweynta madaxweyne Axmed Siilaanyo oo dalka uga maqnaa safar uu ku tegay dalalka Itoobiya iyo Jabuuti.

Md Muuse Biixi ayaa ayaa kolkuu gaadhay Madaarka Hargeysa waxa uu damcay in kiyoo saaran gaadhigiisa in uu guddaha hore u galo Madaarka,balse ciidamda Ilaalada Madaxweynaha iyo kuwa Madaarka ayaa ka codsaday in gaadhiga uu dhigo halkii loogu talo galay,ka dibna sida masuuliyiinta kale u lug ku galo qolka soo dhaweynta Marti sharafta.

Guddoomiyaha Kulmiye ayaa ku adkeystay in ciidanku u fasaxaan gaadhigiisa guddaha Madaarka balse ciidanka ayaa ku adkeystay in aaney cidi gaadhi la geli karin guddaha Madaarka.

Sidaa ayuuna Md Muuse Biixi Cabdi uga noqday Madaarka kiyoon ka qeybgelin soo dhaweyntii madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Qurbejoog-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed