Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Maanta Shir Beeleed Kaga Qayb-gali doona magaalada Caynaba
Hargeysa,9Jan,2016(QJ/SDN)-Wafti Ballaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maalintii shalay gaadhay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaana ujeeddadoodu tahay inay ka qaybgalaan shir magaalada Caynaba berri ugu soo xidhmi doona mid kamid ah beelaha halkaas deggen.
Waftigan Ballaadhan oo ay xubno ka yihiin Guddoomiye-kuxigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye Md Maxamed Kaahin Axme, Xoghayaha Guud, Md Xasan Siciid Yuusuf, Wasiirrada wasaaradaha Dib-u-dejinta, Xidhiidhka Golayaasha, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo waliba Wasiir-u-dawlaha wasaaradda Madaxtooyada Somaliland iyo madax kale oo xisbiga iyo xukuumaddaba ka tirsan, ayaa habeenkii xalay u hoyday magaalada Burco, waxaana maanta oo sabti ah lagu wadaa inay dhinaca magaalada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar u amba baxaan si ay uga qaybgalaan shirka beesha Reer Yoonis(Habar-jeclo)halkaas uga socda oo maanta soo xidhmi doona.
Hoggaanka xisbiga Kulmiye iyo saraakiisha sare ee xukuumadda katisan, ayaa lagu wadaa inay shirkaas hadallo kasoo jeedin doonaan, iyagoo sidoo ka hadli doona baahiyaha gobolka iyo waliba waxyaabaha horumarka la xidhiidha ee xukuumaddu halkaas ka qabatay.
Sidoo kale, waxa ay waftigan markhaati ka noqon doonaan midhaha shirkaas aayo ka-tashiga beeshaas kasoo bixi doona, waxaana intaas kadib ay dib ugu soo guryo noqon doonaan caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Qurbejoog.Com
Hargeysa,Somaliland