|

Guddoomiyaha XAQSOOR Oo dhambaal Tacsi ah u diray Qoyskii Marxuum- Muuse Aaye Faarax oo geeriyooday

Hargeysa Aug 15,2012(SDN)-Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka XAQSOOR Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, ayaa caawa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum- Muuse Aaye Faarax oo ka mid ahaa Hal-abuuradda waaweyn ee dalka oo caawa ku geeriyooday magaaladda Hargeysa, laguna aasi doono maalinta bari Xabaalaha Masalaha ee koonfurta magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka XAQ-SOOR waxa uu dhambaal tacsi ah u diray, qoyskii, eheladii, asxaabtii, bahda fanka iyo suugaanta iyo shacbi-weynaha Somaliland oo uu ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum- Muuse Aaye oo uu tilmaamay inuu ka mid ahaa waxgaradkii kaalinta togan ka soo qaatay halgankii dib u xoraynta dalka, nabadeyntii beelaha iyo guubaabadii shacbigaba.

Md. Xasan Ciise Jaamac waxa uu ILAAHAY uga baryay marxuumka inuu naxariistii jano ka waraabiyo marxuumka, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Dhinaca kale waxa tacsi taas la mid ah u diray qoyskii Marxuumka dadka kala ah La Taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhalinyarada Md. Cabdi-Najax Siyaad Aw Cabdi, Xoghayaha Gobolka Maroodi-jeex Xamse Ciise Cabdi, Agaasimaha maamulka gobolada iyo degmooyinka ee wasaaradda arrimaha gudaha Cali Xasan Cawaalle, Taliyaha hawl-gelinta ciidanka Madaxtooyadda Cismaan Cali Cilmi (Barwaaqo), Cabdilaahi Daa’uud Cabdi, Iid Jiciir Aw Axmed Iyo Siciid Cawil Axmed- Xajiin. Waxaanay Marxuumka EEBE uga baryeen inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

AAMIIN AAMIIN.



Comments are closed