|

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Dhawaan Lagu Wado In Uu Gudo galo Olole Musharaxnimo Xilli Shalay Uun La Shaaciyey Heshiis Afgobaadsi Ahaa

Hargeysa Dec 21,2015 (SDN / QJ )- Iyada oo maalinimadii shalay uun ay madax-dhaqameed uu hogaaminayay Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ay shaaciyeen heshiis Beeleed laga gaaray khilaaf hareeyay musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa soo baxaya in Guddoomiyaha Xisbiga UCID uu dhawaan uu shaacin doono safar olole musharaxnimo ah oo uu ku tegayo degaanada Bariga Somaliland iyo dalka Mareykanka.

Ilo wareedyo ka ag dhaw Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa inoo xaqiijiyay in uu Guddoomiyuhu u xir xiran yahay safar uu bartamaha todobaadkan ku tegeyo degaanada Bariga Somaliland iyo Gobolka Minnesota ee cariga Mareykanka.

Socdaalkan Guddoomiyaha ayaa lagu sababeeyay in uu salka ku hayo olole uu damacsan yahay in uu ugu taageero doono musharaxnimo uu damacsan yahay in uu dib isugu soo taago xilka madaxtinimada Somaliland.

Safarkan iyo ololaha Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu meesha ka saarayaa heshiiskii afgobaadsiga ahaa ee shalay uun ay shaaciyeen madaxdhaqameed  ka kala socday beelaha Ciise Muuse  iyo Ciidagale oo shaaciyay in xal laga gaaray khilaafka UCID.

Safarka uu Guddomiyaha UCID ku tegayo dalka guddihiisa iyo dibediisa ayaa waxa uu sawir ka bixinaya cida Faysal Cali Waraabe ku dhiirineysa musharaxnimada iyo ujjeedooyinka ka danbeeya.

Si kastaba ha ahaatee waxa todobaadyo Guddahood dibeda u soo bixi doona ujjeedka dhabta ah ee ka danbeysa “isqiimeynta” lagu koobay uun xilka musharaxa madaxweyne ee UCID.

SDN/QJ-Hargeysa

contact@qurbejoog.com

Comments are closed