Guddoomiyaha Warshiikh oo farriin adag u diray dad colaad hurinaya
Colaaddan ayaa waxa ay ka dhexeysaa Maliishiyaad u kala safan qaab beeleed, kuwaas oo wada ah dad kasoo jeeda deegaanada lagu dirirayo.
Guddoomiyaha oo Warsaxafaded soo saaray maanta ayaa waxa uu eedeeyay dad sheeganaya Odayaal dhaqameed iyo mas’uuliyiin oo maalmaahanba Warbaahinta soo marinayay hadalo isku dir iyo nacayb ka dhex abuuraya Beelaha walaalaha ah ee maliishiyaadka dagaalamaya ay kasoo kala jeedaan.
Nuqul ka mid ah War-saxaafadeedka guddoomiyaha oo soo gaaray Xafiiska Shabakadda Shaaciye ee Muqdisho ayaa waxa uu ku sheegay dhinacyada wararka aan wanaagsanayn ka gudbinaya colaaddan in ay yihiin kuwo sii hurinaya khilaafka jira ee isku dhaca sababay. Wuxuuna ka codsadsay hay’adaha sharciga iyo kuwa garsoorka ee gobalka iyo kuwa qarankaba in ay tallaabo ka qaadaan dadkan colaadda abuuraya.
Mudane Axmed Shiidka ayaa ballan qaaday in uu maamulkiisu ku dadaali doono sidii loo dhammayn lahaa colaadda ka taagan deegaanka oo nabad iyo is faham loo dhex dhigi lahaa dhinacyada is haysta. Wuxuuna dhinacyada is khilaafsan iyo waxgarad deegaankaba ka codsaday in ay gacan ka gaystaan xal u helidda colaadda.
War-saxaafadeedka guddoomiyaha Degmada Warshiikh waxa uu u qornaa sida hoose: