|

Guddoomiyaha Wakiillada oo furay kulan lagu naaqishayo Xeerka Nidaamka Garsoorka

Hargeysa, 27, February 2012 (SDN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa kulan hawleed socon doona laba maalmood, isla markaana ay ka qaybgaleen in ka badan 80 xubnood oo isugu jira, Xildhibaanno, Bahda Garsoorka iyo Xeer Ilaalinta, kaasoo lagu naaqishayo Xeerka Nidaamka Garsoorka ayaa maanta ka furay Hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa.

Furitaankii kulankaas waxa kale oo ka qaybgalay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Wasiirka Caddaalada iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, waxaana kulankaas oo qaban-qaabiyay Guddi-hoosaadka Shuruucda iyo Garsoorka ee Golaha Wakiillada, isla markaana waxa maalgelisay Hay’ada QM ee UNDP.

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Shuruucda iyo Garsoorka Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada Xeerkani ay tahay sidii wax-ka-bedel iyo kaabis ay ugu samayn lahaayeen Xeerka Nidaamka Garsoorka.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Xasan Aadan ayaa isaguna sheegay in dibu habayn lagu sameeyo caddaaladu ay faa’iido u leedahay dalka iyo dadka.

Wasiirka Caddaalada iyo Garsoorka Xuseen Axmed Caydiid ayaa dhiniciisa tilmaamay in Xeerka soo gudbintiisa ay Xukuumaddu awood leedahay, isla markaana ay u soo gudbinayso Golaha Wakiillada si ay uga gutaan waajibaadkooda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa soo dhaweeyay wax-ka-bedelka iyo kaabista lagu samaynayo Xeerka Nidaamka Garsoorka.

Ugu dambayntiina waxa ka hadlay furitaankii kulankaas Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isagoo ka warramay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray Xeerkaasi, waxaanu sheegay in Golaha ahaan ay laba jeer wax-ka-bedel ku sameeyeen, gaar ahaan waqtigii Xukuumaddii hore, waxaanu sheegay in Xukuumaddu dib ugu soo celisay si mar kale wax-ka-bedel iyo kaabis ay ugu sameeyaan, waxaanu intaa ku daray in ugu dambayntii ay wareegto Madaxweyne lagu dhaqan-geliyay Xeerka Nidaamka Garsoorka.

SDN, Hargeisa Somaliland

Said8090@gmail.com

Comments are closed