|

Guddoomiyaha Wakiillada oo furay aqoon is-weydaarsi lagu darsayo Xeerka Hay’ada Maamul Wanaaga

Hargeysa, 06, Mar 2012 (SDN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta aqoon is-waydaarsi ku saabsan dibu eegista Xeerka Hay’ada Maamul Wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa ka furay Hotel Mansoor ee magaalada Hargeysa.

Aqoon isweydaarsigan oo socon doona muddo saddex cisho ah wax aka qayb qaadanaya xubno ka kala socda labada Gole ee Guurtida iyo Wakiillada iyo saraakiil ka tirsan Hay’ada Maamul Wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa, isla markaana waxa maalgelisay Hay’ada Qaramada Midoobay ee UNDP.

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’ada Maamul Wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqa Xuseen Cabdilaahi oo ka hadlay furitaankii aqoon isweydaarsigaas ayaa sheegay in hay’adoodu la dhalatay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Waxaanu xusay inay diyaariyeen Xeer ka kooban dhawr toban qodob oo ku arooraya habsami u socodka hawlaha shaqo ee hay’ada, kaasoo ay ansixiyeen Golaha Wasiirradu. Waxa uu Guddoomiye ku-xigeenku sheegay in xeerka loo soo gudbiyay Golaha Wakiilladu uu ka kooban yahay 18 qodob, isla markaana ay doonayaan sidii la isula eegi lahaa kii ay hore u diyaariyeen iyo ka ay Golaha Wasiiradu u gudbiyeen Golaha Wakiillada, si ay isugu miinguuriyaan meelaha ay saluuga ka qabaan.

Waxa isaguna ka hadlay halkaas Cali Yuusuf oo ka socday Hay’da UNDP,  waxaanu sheegay inaanay fududayn sida loola dagaalami karo, waxaanu tilmaamay inuu u baahan yahay sharci adag oo lagu joojiyo, maadaama oo ay jiraan dad awood u leh inay ka horyimaadaan sharciga.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo furay aqoon iswaydaarsigaas ayaa ku dheeraaday sida ay daruuriga u tahay in la qabyo tiro wixii shuruuc ee kazoo baxaya Golaha Wakiillada, waxa uu Guddoomiyuhu soo dhaweeyay talo kasta oo lagu hagaajinayo shuruucda uu Goluhu masuulka ka yahay.

SDN, Hargeisa Somaliland

Said8090@gmail.com

Comments are closed