Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo Cambaareeyey Xukunka Lagu Riday Wariye Cabdi-Maalik oo Hargeysa Ku Xidhan DAAWO
Hargaysa 10. April 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja, ayaa si adag u cambaareeyey xukunka xadhiga ah ee lagu ridey wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo dhawaan ay Madaxda gobalka Hargeysa ku xukuntay laba sanno oo xadhig ah, waxaana uu tilmaamay in xukunkaas ku dhacay Cabdi-Maalik uu ahaa mid cadaalad darro ah iyada oo ay Hargeysa jooggaan wariyeyaal kale oo la mid ah kuwaasi oo siddiisa oo kale tagay magaalada Muqdisho.