|

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Nasiye oo madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay in uu xilka wareejiyo

Hargeysa Sept 19,2012(SDN)-Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Nasiye Md Axmed ayaa qoraal uu saxaafada ugu talo galay waxa uu uga waramay xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo hogaanka madaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu ku dhaliilay waxqabad la’aan.

Guddoomiyuhu waxa oo qaraalkiisa ku soo jeediyay in madaxweynuhu xilka ku wareejiyo ku-xigeenkiisa,qoraalka ooo dhameystirana waxa uu u qoraa sidan;-

“Aniga oo aad  u garanaya inaanu ka soo jawaabi doonin war saxaafadeedkaygan  cida  ay tooska u khusayso oo ah Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sababta oo ah waxaan ogahay ama aan ka warqabaa inaanu hada akhrisan wax joornaal ah ama aanu daawan wax Telifishan ah laakiin cidi ay inta uu ka raalida yahay uun u sheegto  hadana waxaan uga dan leeyahay aniga oo gudanaya waajibaad iyo Masuuliyada I saaran inaan dadweynihii codka bixiyay dareensiiyo sida xaalka hogaanka iyo Maamulka sare ee dalku yahay si ay iyaga isugu dayaan inay xaqiiqada soo taabtaan.

Tan iyo Intii ay Soomaliland Dawladnimadeeda dib ugala soo noqotay Somalia waxaa hogaanka Jamhuuriyadan Somaliland  isaga dambeeyay Dawlado ay kala hogaaminyaan shaqsiyaad kala duwan oo midkastaa lahaa waxqabadkiisa maamul iyo dhaliilihiisaba, Iyada Jamhuuiriyadani soo martay maalmo sanado xanuun badan oo ay ka soo gudubtay duruufo Siyaasadeed,dhaqaale iyo Amni oo aad u qalafsan  hadana ma jirto maalin ay Qaranimada iyo gooni isu Taaga Soomaaliland ay ka werwer badan tahay labadii sandood ee ugu dambeeyay ee ay Xukuumada Madaxweyne siilaanyo Hogaamiyaa ay Talada dalka Haysay.

Hadii waxooga dib u Milicsado tan iyo waqtigii  ay bilaabmeen wada hadalada Somaliland iyo Soomaliya oo aanay xukuumada Soomaliland ka lahayn barnaamij jihaysan oo saldhig u noqoaya in lagu hago wada hadalada Somaliland iyo Somalia oo aan ahayn inay ku faraxsan yihiin waxaanu wada hadalnay Somaliya, Laakiin dhinaca kale waxaa markhaati ma doonta ah inay Hogaamiyaasha Soomaaliya aanay marnaba qarsan Aragtidooda iyo Qorshahooda ku wajahan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya waxaanay mar kasta iyo meel kastaba kaga dhawaaqayaan in Somaliland lagu qanciyay Midnimada Somalia lagana soo weeciyay wadadii Gooni isku Taaga Tan waxaa markhaati cad ka ah hadii aad daawanayseen xafladii caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya khudbadihii ay ka jeediyeen Madaxweynihii hore Sh Shariif Sh Axmed iyo Madaxweynaha Cusub Xasan sh Maxamuud.

Hadii aan soo qaato khudbada Madaxweynaha cusub marka ka hadlaayay mawduuca wada hadalada Somaliland iyo Somalia waxaa uu yidhi (si dib loogu soo celiyo midnimadii Somaliya waxaanu halkii ka sii wadaynaa wadahadaladii Somaliland iyo Somaliya, marnaba ula tegi mayno xoog ciidan iyo mid diblomaasiyadeed laakiin waxaanu keeni doona iyaga oo raaliya ?

Dhacdooyinka dadweynaha layaabka ku noqday dadweynaha waxaa ka mid ahaa kulankii uu madaxweynaha JSL la yeeshay Madaxweynaha Somaliya ee ka dhacay Dubai oo ay inta badan la filaayay in uu Madaxweynaha Somaliland qodobo iyo shuruudo saldhig u noqon kara inay wada hadalada Somaliland iyo ku qabsoomi karaan jawi ay dadka reer Somaliland ka dhex arki karaan danahooda Siyaasadeed Tusaale ahaan waxay ahayd in Madaxweyne Siilaanyo la hofadhiisto Shariifka Shuruudo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen Si ay u bilaabmaan wada hadalo caafimaad qaba oo ay labad dhinacba ku qanci karaan waa inaan dastuurka Somalia ku qeexin Xaduudihiisa dhinaca waqooyi Galbeed ila inta ay wax midho dhal ahi ka soo baxayaan wada hadalada labada dhinac u bilawday  madaama ay tahay arin Qaranimada iyo Gooni siku Somaliland aad saamayn ugu leh ay tahay.

Shuruuda labaad waxay ahayd inuu bayaamiyo in baarlamaanka ay koonfurta ka soo dhisayaan aanay u soo dari Karin xubno metalaya ama kaba socda dhulka ay juquraafi ahaan Dhacdo Jamhuuriyada  Somaliland Laakiin sida aad ka wada war qabteen waxaa ka soo baxay Afar qodob aan macno badan lahayn oo ay adku aad ula yaabeen.

Hadaba dhacdooyinka iyo qaar kale oo badan oo ay ka mid yihiin Musuqmaasuqa, Eexda , Nin jeclaysiga, Qaraaba kiilka dhamaatooda lagaga dhaqmo Qasriga Madaxtooyada  oo aan jecelahay inaan dadweynaha u soo bandhigo si xidhiidh ah waxay ka turjumayaan waayahay iyo xaqiiqda dhabta ee ka jirta hogaanka dalka oo ay cadceeda ka cadahay inaanu ka jawaab celinayn Baahidii ay dadku u doorteen.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ninka maalintii mas arkaa habeenkii xadhiga ayuu ka ordaa Waxaan aad ugu xumahay in Mujaahid /Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo  intaan ka aqaana ahaa nin adag oo ahaa hogaamiye go,aan adag  ay waqti aad xun kaga soo beegtay inuu hogaanka dalka qabto oo xiligii uu baahnaa inuu nasto dhamaan duruufihii iyo dibindaabyooyinkii siyaasadeed uu nolosha xageeda hore ku soo maray.

Madaxweyne hanaan dimoqoraadiyada aan qaadanay oo ah inaan Doorano madaxweyne iyo ku xigeen xigmada ka dambeysaa waxay tahay hadii ay hawshu ku adkaato ama uu gudan kariawaayay badhkeeda amaba uu dalka ka maqan yahay madaweynuhu inuu awooda inteeda dheeraadka ku wareejiyho Madaxweyne ku xigeenkiisa oo ay isla ogaadaan waxa la qabanayo maalin kasta iyo Minute kastaba Laakiin waxaa xaqiiqa jirta ah inaan Madaxweyne ku xigeenkii wax hawl ah hayn mar laga reebo meel uu dhagax dhigo ama raashin sadaqo ah oo uu soo qaybiyo kaas oo ay ku filaayeen inay fuliyaan shaqaale caadi ah, waxaa kale iyaduna hubaal ah in awoodii dalku u gacan gashay cid aan ehel u ahayn oo anay shacabku  dooran Kama dambaystii Mudane Madaxweyne waxaan talo ahaan kugu soo jeedinayaa inaad awooda hogaaminta dalka wax ka siiso inta kugu dheeraadka ah ee aanad gudan karayn Madaweyne ku xigeenkii sida sharciga ah laguula doortay laakiin ha isku deyin inaad awooda hogaanka dalka u gacan geliso cidaan ehel ahayn, casharna ha kuugu filaanto wixii  ku dhacay hogaamiyayaal dunidan soo maray oo sidaa yeelay halkay ku dambeeyay iyo ku dhacay”

Mr. Axmed Muxumed Cumar (Talyaani)

Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka NASIYE


SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed