Guddoomiyaha UCID xaq miyuu u leeyahay in uu ku hanjebo in uu dawlad kumeel gaar ah ku dhawaaqidoono hadii doorashooyinku dib u dhacaan?
Hargeysa Dec 11,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Md Faysal Cali Waraabe oo dhawaan ka hadlay in aan dooroshooyinku dib u dhicin ayaa waxa uu sheegay in uu meel marinayo heshiis hore uu ula sexeexday Guddoomiyihii hore ee Kulmiye oo haatan ah madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo.
Guddoomiye Faysal oo aan haatan u sharaxneyn xilka Madaxweynaha ayaa ku hanjebay in uu ku dhawaaqayo dawlad Kumeel gaar ah hadii aaney doorashooyinka Madaxtooyada la qaban xiligoodii.
Guddoomiyaha UCID waxa kale oo uu sheegay in sdoo kale doorashooyinka Gollaha Wakiilada xilgooda la qabto oo aan cidna loo kordhin doonin.
Hadaba isweydiintu waxa ay tahay Dastuurka Somaliland muxuu ka leeyahay xaaladaha dib u dhaca ku keeni kara Doorashada Madaxtooyada iyo cida xaqa u leh in ay arinkaa goaan ka gaadho.
Qodobka 83.aad faq.5aad ee dastuurka Somaliland ayaa waxa uu qeexayaa asbaabaha dib u dhigi kara doorashooyinka madaxtooyada.
“Haddii ay suurtoobi weydo duruufo la xidhiidha nabadgelyada darted in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka –madaxweynaha marka muddada xilkeedu dhammaato waxa Golaha Guurtida ku waajib ah in ay mudddada xilka u kordhiyaan adaxweynaha iyo ku-xigeenka madaxweynaha, iyaga oo tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo, doorashaduna ku qabsoomi karto”
Hadaba kol hadii sharcigu sidaa dhigayo maxey tahay sababta Guddoomiye xisbi Qarani uu bulshada horteeda uga oranayo hadalo sharciyan aan micno faro badan laheyn.
Teeda kale, Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waa ayo cida uu afkeeda ku hadlayo ee uu goaankaas ku metelo?
Taageereyaasha Xisbiga UCID iyo Bulshada reer Somalilandse ma ugu dulqaadan doonaan ereygaa aan meela heysa mise waa uun mid kale oo ka mida ereyda Guddoomiye Faysal Cali Waraabe eek a mid ka ah dhacdooyin maalmeedka siyaasada kolba taagan.
Si kasta oo ay tahay malaha Guddoomiye Faysal waxa loo qaatay in uu cashar ka qaato hadalada tiro belay ee hore uga soo yeeray Madaxweyne Axmed Siilaanyo xiligii uu Mucaaridka iminkana uu buriyay.
Hadalka iyo ficilka kala duwan ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa haatan baday ka maagida ka soo xaadirka goobaha bulsho ee hogaan waliba u saamaxa in uu la macaamilo bulshada uu madaxweynaha u yahay.
SDN/QJ-Hargeysa