Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Mucaaridka u Oggolaaday Inay Shirkii Qaran Qabsan Karaan Iyo Waran-cadde Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ixtiraamayo DAAWO
Hargeysa:Jully,23,2015(SDN/QJ)-Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa go’aan ka soo saartay tallaabadii xukuumaddu ay xisbiyada mucaaradka ah kaga horjoogsatay in ay shirk u qabsan karaan huteelada dalka, waxaana ay ku dhawaaqday in xisbiyada mucaaradku ay xor u yihiin in ay shirar ku qabsadaan huteelada.
Kulan hada ka dhacay xarunta Maxkamadda sare oo ay goob joog ka ahaayeen hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, ayaa guddoomiyaha Maxkamadda sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali halkaas kaga dhawaaqay in xisbiyada mucaaradku ay shirar hoteelada ku qabsan karaan hoteelada dalka.
Wasiirka arrimaha gudaha Md.Cali Maxamed Waran Cadde oo halkaas ka hadlay Waxa uu xisbiyada mucaaradka ah ku wargeliyey in ay shirar ku qabsan karaan huteelada dalka. Isla mar ahaantaana ay qaadanayaan go’aanka ka soo baxay Maxkamadda sare.
Dhanka kale hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ah, ayaa iyaguna soo dhaweeyey tallaabadan, waxaana ay ku tilmaameen mid geesinimo leh oo uu si cadaalad ah u xukumay guddoomiyaha Maxkamadda sare Pro.Aadan Xaaji Cali.
Inkastoo uu Wasiir Waran-cadde shaaciyey inay Go’aankaas u hoggaansami doonaan, Haddana lama garanayo sida Madaxtooday dhegaha adagi ugu hoggaansami doonto.
SDN/QJ