|

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Oo Bannaanka soo Dhigay Arrin sharci Darro ah Oo Madaxda Dawladu Ku Dhaqanto

ilkaxanafMugdisho:9-Aug-2013 (SDN)Guddoomiyaha maxmakadda sare ee dalka Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf, ayaa sharci darro ku tilmaamay in marka uu Madaxweynaha jeediyo Hambalyo ama uu qof dhintay ka tacsiyadeeyo haddana ay Guddoomiyhaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Hambalyo taa la mid ah ay u diraan Shacabka, taasoo uu tilmaamay iney hareer marsan tahay qaanuunka Dowliga ah.

Ilka Xanaf ayaa sheegay in marka uu Madaxweynaha Soomaaliya diro hambalyo ama tacsi nidaan ahaan iyo qaanuun ahaan dhigeyn in Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha ay iyagana dhankooda ka hambalyeeyaan, maadaama Madaxweynuhu uu yahay  qofka ku hadlaya magaca xukuumadda, iyo Baarlamaanka, sabab kale oo ay u hadlaana aysan jirin.

“Nidaamka dowliga ah wuxuu dhigayaa in Madaxweynaha marka uu hadlo oo uu dadka hambalyo u diro isagoo ku hadlaya afkiisa, kan xukuumada iyo baarlamaanka iyo guud ahaan shacabka, hal qaran ayaa jira ee ma aha in inuu isagu hadlayo, marka waa qalad in dabadii ay hadlaan Ra’iisulwasaaraha iyo Afhayeenka Baarlamaanka” sidaasi waxaa yidhi  Ceydiid Ilka Xanaf.

“Haddii Mas’uul kasta oo dhinaciisa ka hadlo waxay muujineysaa isbarbar yaac iyo iska war qab la’aan Madaxda dalka dhexdooda ah iyo in la is dhihi karo khilaaf inuu ka dhex jiro.” Ayuu Hadalkiisa sii raaciyey Guddoomiye Ilko xanaf.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa sidoo kale Warbaahinta Qaranka ku eedeeyay dhibkaasi iyo isbarbar yaaca Madaxda dalka ee iney iyagu mas’uul ka yihiin oo sharciga ku tumanaya.

“Ma aha iney dhahaan Saddexda Mas’uul ee dalka ugu sareysa oo hambalyo u diray, waa iney bartaan kala sareynta iyo kala danbeynta madaxtinimada, dalka wuxuu leeyahay Hal Madaxweyne” ayuu sii raaciyay Ilka Xanaf.

Munaasabada Ciidda Soon fur ayaa Sadaxda Mas’uul waxay soo wada saareen warsaxaafadeed ay shacabka ugu hambalyeynayeen Ciidda, sidoo kale munaasabadaha kale ee dalka ayey sidaan oo kale ay si wada jir ah u soo saaraan hambalyada shacabka loo dirayo.

Hadalka Ilka Xanaf ayaa ah mid xaqiiqda ku saleysan iyadoo mar walbo lagu arko Warbaahinta Dowladda iney kusoo wada daabacaan Sadax warsaxaafadeed oo Hambalyo isla wada diraya, iyadoo aan la ogeyn warka Ilka Xanaf in uu noqon doono mid lagu dhaqmo iyo in kale.

 

Somalidiasporanews.com

Mugdisho/somaliya

 

Comments are closed