Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Maanta Cod Aqlabiyd ah Lagu Ansixiyey
Hargeysa:June,1-03,2014(SDN/QJ)-Kulan wada-jir ah oo ay Maanta Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Guurtidu yeesheen, ayaa lagu ansixiyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo u Magacaabay.
Fadhiga Saaka oo ku qabsoomay Xarunta golaha guurtida, isla-markaana uu shir guddoominayey Guddoomiye Saleebaan ayaa guddoomiyaha Maxakamadda sare lagu ansixiyay cod aqlabiyada oo mudaneyaasha fadhiyay badankoodu u codeeyeen.
Fadhiga oo ay ku sugnaayeen 122 mudane ayaa cod loo qaaday guddoomiyaha maxakamadda sare waxaana Ogolaaday 110 Mudane, waxaana ka aamusay 11 Mudane halka cid diiday aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu codayn, sidaasna uu ku ansaxay guddoomiyaha Maxakamadda sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com