Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga Ah Oo Ka Warramay Hab-dhaqankii Silaanyo Iyo Dareenka Madaxweyne Biixi Ee Garsoorka
Hargaysa 08. January 2018 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee JSL Md Aadan X Cali Axmed ayaa ka warramay dareenka Madaxweyne Muuse Biixi ee Garsoorka iyo hab-dhaqankii Madaxweynihii hore, Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in nidaam cusub oo casri ah dhawaan lagu soo kordhinayo Maxkamadaha, isla markaana uu heerka dakhliga ee ka soo xerooda Maxkamaduhu uu kor u kacay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee JSL Md Aadan X Cali Axmed, ayaa arrimahan iyo kuwo kale kaga hadlay mar uu shalay warbaahinta uga warramayey waxyaalihii u qabsoomay sanadkii hore ee 2017.
Aadan X Cali oo ka hadlaya waxyaalaha cusub ee u qorshaysan oo sanadkan inay hirgaliyaan ayaa waxa uu sheegay in nidaam cusub oo casri ah dhawaan lagu soo kordhin doono maxkamadaha, isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Dhawaan waxaanu soo bandhigi doonaa oo aanu hirgalinay nidaamka duubista codka (Recording), waxaad ogtihiin nidaamkeena garsoorku wuxuu raacaa nidaamkii uu ku bilaabmay qarniyaal ka hore ee marka dacwada la dhegaysano uu kaaliyuhu gacanta ku qorayey, markaa nidaam tijaabo ah oo duubis ah (Recording) oo marka hore dacwado xasaasi ah aanu ku bilaabi doono ayaanu hirgalinaynaa oo aanu dhawaan soo bandhigi doonaa”.
Guddoomiyuhu waxa kale oo uu ka hadlay dakhliga maxkamadaha ka soo xerooda oo sare u kacay iyo sababaha keenay, “Waxa kale oo hirgaley oo ay Wasaaradda Maaliyadu la socotaa oo ay maxkamadaha kale oo dhami ogyihiin oo dakhliga Maxkamaduhu soo ururiyaan sare ayuu aad ugu kacay, waxaanay ka tahay laba ujeedo oo ah in laga qaybqaato dakhliga cashuuraha dalka iyo in la niyad jabiyo in dadku Maxkamadaha ku soo degdegaan oo waxaanu dhiirigalinaynaa in dadku heshiiyaan”.
Dhinaca kalena, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah ee JSL Md Aadan X Cali Axmed waxa uu u mahadnaqay Madaxweynihii hore ee Somaliland, “Waxaan si weyn ugu mahadnaqayaa Madaxweynihii xilka ka degay ee Axmed Silaanyo iyo hawlwadeenadii kale ee ka ag dhawaa ee la shaqaynayey sidii hagar la’aanta aheyd ee Garsoorku isku baal taageen, waxyaalaha lagu xasuusto waxa ka mid ahaa Booqashadii uu Garsoorka ku yimid, iyo Mushahar kordhintii, iyo Madaxbannaanidii iyo ixtiraamka go’aanada garsoorka oo uu aad u dhegaysto oo aheyd tii ugu qiimaha badneyd”.
Sidoo kalena, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah ee JSL Md Aadan X Cali Axmed, waxa uu ka warramay qorshaha Madaxweyne Muuse Biixi ee ku aadan Garsoorka, waxaanu yidhi “Runtii, waxaanu kulanay Madaxweynaha cusub Md Muuse Biixi, isaguna wuxuu ballanqaaday inuu waddadii uu ku taagnaa Silaanyo ee Garsoorka inuu ku taagnaanayo, oo uu wixii hadhay la qabanayo, waxyaalaha hadhayna waxa ka mid ah xeerkii xuquuqda Garsoorka”.
Ugu dambayntiina, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah ee JSL Md Aadan X Cali Axmed, waxa uu dadweynaha kula dardaarmay inay qancaan iyo inay ka digtoonaadaan xaaraanta, “Qodobka kale ee aan soo jeedinayaa waa inay dadku qancaan, haddii aad maxkamad timaado oo lagaa gar helo qannac, haddii aanad maxkamad imman oo aad magaalo joogto oo gar kale iyo sullux gashana qannac, waayo, qannaacadii baa yaraatay”, waxaanu intaasi ku daray in laga fogaado xaaraanta “Adduunyada in aan xaaraan lagu doonin, waxaanad lahayn haku doodin”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee JSL