|

Guddoomiyaha Maxkamada Sare Somaliland Oo Niyad Wanaag Ka Muujiyey In Sharcigii Dalku Uu Xoogeystey DAAWO

Hargaysa 26. December 2016 (SDN/QJ):- Garyaqaan Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed Guddoomiya Maxkamadda sare ee Somalliland oo ka qayb galey daah-furka shirkad cusub oo ah oo la idhaahdo East Afrika Law Firm oo laga hirgeliyey magaalada Hargeysa ayaa ka hadley oo sheegay in sharciyada dalku maanta kordheen oo ay meel wanaagsan marayaan.

Aadan Xaaji Cali isaga oo ugu horreyn arrintaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Sanadadii hore oo dhan suuqa qareenimadu mar wal oo ay dawladu xoogeysato isaguna waa uu la xoogeysanayaa, baahida in sharci yaqaan loo baahdaana isaguna waa ay la xoogeysaneysaa, waayo markaa aanu sharci jirin qofkii sharci u baahan maayo ee fawdada ayuu dhinac ka galayaa, marka laakiin wax walba sharci lagu xidhayo, qoraal lagu xidhayo, ganacsigii lagu xidhaayo, caafimaadkii lagu xidhaayo, markaa qofkii sidii dhakhtarka loogu baahnaa oo kale ayuu u baahanayaa, markaa shirkadani anigu waan hanbalyaynayaa meel banaan baanay buuxinayaan”Ayuu yidhi Garyaqaan Mudane Aadan Xaaji Cali AxmedGuddoomiya Maxkamadda sare ee Somalliland.
Geesta kale Garyaqaan Mudane Aadan Xaaji Cali AxmedGuddoomiya Maxkamadda sare ee Somalliland,waxaa uu niyad wanaag ka muujiyey heerka uu maanta marayo sharciga Somaliland.

Comments are closed