|

Guddoomiyaha Marood-jeex oo kulan la yeeshay Madax-dhaqameedka Gobolka

Hargeysa, 28, February 2012 (SDN)- Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarje) ayaa kulan kula yeeshay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha in ka badan 100 Madax-dhaqameed oo ka tirsan cuqaasha Gobolka Maroodi-jeex.

Kulankan ayaa lagaga hadlayay doorka ay Madax-dhaqameedku ku leeyihiin hogaaminta iyo horumarinta Bulshada, Guddoomiyaha Gobolka Marood-jeex oo kulankaas ka hadlay ayaa ka warramay taariikhda soo jireenka ah ee ay Madax-dhaqameedku ku leeyihiin bulshada iyo horumarka maanta ee dalku gaadhay.

Madax-dhaqameedka ayaa iyaguna dhinacooda taageeray doorkii ay Xukuumadda Somaliland ka qaadatay Shirkii dhawaan lagu qabtay magaalada London ee lagaga hadlayay arrimaha Soomaalida.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex iyo Madax-dhaqameedka kulanku dhexmaray ayaa sidoo kale, ka wada hadlay ilaalinta iyo xoojinta ammaanka dhinac kasta.

Kulankan maanta uu Guddoomiyaha Maroodi-jeex la yeeshay Madax-dhaqameedka ayaa noqonaya kulankii ugu horeeyay ee noocan oo kale ah, isla markaana ay ka qaybgalaan madax-dhaqameed tiradoodu 100 ku dhaw dahay.

SDN, Hargeisa Somaliland

Said8090@gmail.com

Comments are closed