|

Guddoomiyaha Madasha Wadda Tashiga Oo Soo Dhaweeyay Wadahadalada U Bilaabmay Xisbiyadda Siyaasada

Hargeysa, 21 May 2015 (SDN/QJ)-Guddoomiyaha Madasha Wada tashiga Xasan Guure Jaamac, ayaa soo dhaweeyay kulankii shalay saddexda xisbi qaran ku dhexmaray hotel Ambasador, waxaanu sheegay in rejo fiican uu ka filayo in kulamadaasi ku soo dhamaadaan si niyad sami ah, isla markaana wuxuu sheegay in markii ugu horaysay taariikhadda Somaliland ay tahay in murankeena siyaasadeed la geeyo golaha amaanka,taasina ay dhawacayso dimuquraadiyada iyo hanaanka siyaasadeed ee dalka.

xasan guureGuddoomiyuhu wuxuu sidaa ku sheegay war uu xalay siiyay Wargeyska Ogaal, wuxuuna ugu horayn ka hadlay kulanka dhexmaray saddexda xisbi Qaran, ee lagaga arrinsanayo khilaafka muddo kordhinta ee Golaha Guurtidu u samayay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.“Marka hore waxaanu soo dhawaynaynaa kulanka maanta (Shalay), saddexda xisbi qaateen ee ay kaga wada hadalayeen doorashooyinka, khaasatan doorashooyinka Madaxweynaha iyo waqtiga la qabanayo, taasoo kaliya maaha oo dhibaatooyin badan oo muddo badan isa-soo biirsanayay ayaa jira, horta kaa hore waanu soo dhawayaynaa waxaanan rejaynaynaa inay meel wanaagsan isla meel dhigaan, runtii waxaan ku bogaadinayaa wadahadalka ay maanta wadahadleen oo sida ay sheegeen weji wanaagsan ku dhacay waan bogaadinayaa waanan ku hambalyaynayaa. “ayuu yidhi Xasan Guure wuxuuna hadalkiisii sii raaciyay,“Hawlaha inoo yaala way ka badan yihiin doorashadda oo waqti ama muddo loo qabto, oo qabyada inoo taala aad iyo aad u fara-badan tahay, waxaynu ognahay in distuurkeena dhibaatooyinka dhaca ama khilaafka dhacaa inuu suurtogalin kari waayay in aynu si fudud u xalino, waxaynu ognahay in doorashooyinkeenu raagaan, waad ogtihiin guurtidu 18-sannadood bay fadhiyeen oo aan la dooran, Wakiiladu 10 sannadood bay fadhiyeen oo aan la dooran, madaxtooyadda waqtigu wuxuu ka dhacayaa 26 juun, dhibaatooyinkaasi waa kuwo inagu soo noqnoqda, waxaynu ognahay ilaa intii Somaliland jirtay, waliba khaasatan doorashadda Madaxtooyadu marka ay timaado inuu muran ka dhasho, qaybyadda u taala markan halka ka bilaabo waxa ka mid ah ee muddo dhaafka keenta saami qaybsiga oo aan ilaa hadda sharci laga soo saarin, waxa kale oo aynu ognahay haddii doorashadda muran ka dhasho in aan xal loo helayn, markaa waxaan odhan lahaa maaha arrimuhu taasoo kaliyee in laga wadahadalo dhibaatooyin fara-badan oo muddo isa-soo biirsanayay. Waa markii ugu horraysay ee golaha amaanka la geeyo arrimaha muranka siyaasadeed ee gudaheenna. Taana haddii aan imika hore wax looga qabanin oo aan la isaga iman oo aan meel la isla dhigin, waxay noqonaysaa wax berito Somaliland burburin karaa. Waxa kale oo jirta doorasho haddii ay dhacdo, muran baa ka dhalan kara, sidii berigii dhawayd doorashooyinkii ka dhacay oo weel uma lihin,maxkamadaheena iyo distuurkeena waynu ognahay oo Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ahaa ninkii odhan jiray maxkamadaha Daahir Rayaale ayaa leh oo tegi maayo.”

Sidoo kale, Guddoomiye Xasan Guurre wuxuu dhaliilay khubadii madaxweyne Siilaanyo jeediyay munaasibaddi 18-ka May “Madaxweynuhu khubadiisa waxay ahayd inuu waxyaabo badan ka hadlo, oo arrimaha aan ka hadlayoo kale oo uu madaxweynuhu ogaa badankooda, intii aanuu madaxweynaha noqon, kuwii uu sheegi jiray ee uu ballan qaaday intii aanu madaxweynaha ahayn wax ka qabashadooda., dhibaatooyinkii inay halkii ka sii xumaadeen mooye wax ka qabsoomay ma jiraan, waxay ahayd inuu madaxweynuhu taa ka hadlaabay ahayd……Madaxweynaha aad iyo aad baan uga xumahay inuu laba arrimood oo uu shalay xaaraan ku sheegi jiray uu maanta xalaal ku sheego, aad iyo aad baan uga xumahay., waxaan odhan lahaa ka dambee yimaadaana sidaanuu xalaal ugu sheegin (Golaha Guurtida), oo waliba waxa la gaadhay in la yidhaahdo kii horeba waa loo kordhiyee maxaa kana loogu kordhin waayay,. Waxaynu u baahan nahay in waqti intan ka badan iyo madal intan ka balaadhan laysuguyimaado. ”

Dhinaca kale, Xasan Guure wuxuu sheegay in ciidamada Somalia loo dhisayo aanay saamayn ku lahayn Somaliland.“Ciidankan uu madaxweynuhu sheegay ee loo samaynayo Somalia, anigu baqo kama qabo oo ciidankii dawladda Somalia ee lacagta haystay, ee ictiraafka lahaa, ee xoog lahaa ee Soomali oo dhami u dhamayd ee cid walba lahaa ee xitaa Somaliland ku jirtay, halka aynu ku kala dhaqaaqnay waad ogayd, Markaa Madaxweynuhu yaanu taa inagu khukhinin ee gudaheena ayaa ka muhiimsan inaynu hagaajino oo dadkeena midnimadiisa ka shaqayno.”

Comments are closed