|

Guddoomiyaha KULMIYE Oo Ka Hadlay Natiijada Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Ee Komiishanku Shaaciyey DAAWO

Hargaysa 02. April 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay Natiijada Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ee Toddobaadkii hore uu Komiishanka Doorashooyinka Qaranku ku dhawaaqay.

Muuse Biixi Cabdi oo Khudbad ka jeediyey Casuumad uu Wasiirka Madaxtooyadu u sameeyay Garabka Haweenka ee Xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay inay KULMIYE ahaan soo dhaweynayaan Natiijada Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Somaliland isla-markaana rejo ka qabaan inay guul ka gaadhaan Doorashada Madaxtooyada ee loo muddeeyay inay Somaliland ka dhacdo 13-ka bisha November, 2017-ka.

Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu ku qanacsanahay oo waanu soo dhaweynaynaa Natiijadii uu soo saaray Komiishanka Doorashooyinku, Qarankana waanu ku hambalyeynaynaa intii is-diwaangelisay iyo intii ka shaqeysayba, Xisbi ahaana waanu ku qanacsanahay Diwaangelinta Rejo badanna waanu ka qabnaa.”

Muuse Biixi wuxuu sheegay in Xisbiga KULMIYE uu xilliga doorashada isku halleynayo Codadka Dadweynaha Sool iyo Awdal, “Wasiirku wuxuu yidhi Mucda aanu ku kalsoonahay waa Burco iyo Hargeysa, laakiin labadaa midna Xaggooda uma socono ee Xilliga Doorashada waxaanu Guusha ka doonaynaa oo Dadka na taageeraa joogaan Sool iyo Awdal, Hargeysa, Burco, Berbera, Ceerigaabo iyo Magaalooyinka kalena waanu ku nasanaynaa, laakiin KULMIYE Sannadka wuxuu codkiisa ka bilaabayaa labada Daraf ee Sool iyo Awdal…….”ayuu yidhi.

Comments are closed