|

Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Oo Fashiliyey In Madaxweyne Siilaanyo Khudbadaha Loo Laqimo Iyo Mu’allifiinta Qorta

Hargeysa,11Dec,2015(QJ/SDN)-Gudoomiyaha Xisbiga tallada haya KULMIYE, ayaa iftiimiyey hadal markhaati u ah doodo in muddo ah ku dhex wareegayey asxaabta Mucaraadka, ashkhaasta Madaxbanaan iyo Bulshada-ba, kuwaasoo sheegayey in Madaxweynaha talada haya Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo aanu caado u lahayn inuu fagaarayasha ka jeediyo khudbado qoraal ah, hase-ahaatee uu yahay xaajo uguba ama mid kusoo boodo ah la kowsatay markii uu tallada dalka uu kala wareegay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Riyaale Kaahin.

Muj Muuse oo ka hadlayey fagaare shalay loo qabtay bandhig buugag, waxa kaloo uu xusay arrimo dhawr ah oo marka dhinac laga eego xambaarsan xasuus iyo xanaf siyaasadeed, kuwaasoo iskugu jiray qaar siyaabo kala gedisan u taabanayey soo ifbixii masraxa Siyaasadda ee Marxuum Maxamed X Ibraahin Cigaal iyo loollankii ka dhexeeyey xisbiyadi SNL iyo NUF badhtamaha qarnigii tagay, iyo sidoo kale, raad-qaadkii Axmed Siilaanyo ee dhanka Diinta iyo kala foggaanshaha afkaarta Siyaasiga ah ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi.

Gudoomiye Muuse oo daba socday mid kamid ah halku dhigyo laga soo xigtay Khudbado uu Madaxweyne Siilaanyo Bulshada u jeediyey, kuwaasoo markii hore cu’rinta iyo lahaan-shahoodu uu Qaranka ugu suntanaa Madaxweyne Siilaanyo, hase-yeeshee sida Gudoomiyuhuu ka dhawaajiyey uu curintooda lahaa Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, isla markaana halku dhiggaas oo ahaa “..Samiirku waa Sahayda Siyaasiga”, uu ku jiray ama uu kamid ahaa khudbad Tafaftirkeeda uu lahaa Wasiir Maxamuud Xaashi, isagoo arrinka ka hadlaya waxa uu yidhi, “..Maxamuud Xaashi waxan ku hambalyeynayaa khudbada laga soo qaatay ereygaa Samiirku waa Sahayda Siyaasiga. Khudbada isaga Madaxweynaha u tafaftiray, oo raggi ka shaqeeyey ayuu ahaa..”.

Geesta kale, Musharraxa Xisbiga KULMIYE ee shalay Afartanka maalmood uu buux-sameen, waxa uu ka dhawaajiyey sooyaalka soo ifbixii Masraxa Siyaasadda Somaliland, sida SNL oo uu Xoghayahe guud ka ahaa Marxuum Maxamed X Ibraahin Cigaal, halka Marxuum  X Cumar Askar, oo kasoo jeeday dhalasho ahaan Beelaha Galbeed iyo Waqooyiga Maroodi-jeex  uu Gudoomiye isna ka ahaa, Sidoo kale,  Xisbigii NUF oo ay kala hoggaaminayeen  Marxuum Axmed Xasan iyo Maykal Maryama oo iyana kasoo kala jeeday Gobolka Sanaag iyo Gobolka Maroodi-jeex.

Loollanka Siyaasada ee waqtigaas raaf dilaacsaday, waxa markii danbe uu noqday mid jil-ba jilka ka danbeeya uu kusii talaalayey Siyaasiyiinti u raad-qaaday Somaliland, kuwaasoo uu kamid ahaa Madaxweyne Siilaanyo dufcaddii saddexaad ee cahdigaas taaba galay, haddaba Gudoomiye Muuse Biixi isagoo iftiiminayaa dareen siyaasi ah waxa uu yidhi, “..Axmed Siilaanyo waxa uu ka bilaabay markii uu Sikon-tariga ku jiray. NUF iyo SNL markii ay sameys-meen ila maanta  oo uu madaxweyne yahay wixii uu doonayey ayuu xusey..”.

Waxa kaloo, iyana Muj Muuse uu tilmaamay in Madaxweynaha tallada haya Axmed Siilaanyo iyo isagu in badan siyaasadda ku kala araagti foggaayeen, isla markaana shaqsiyan uu kamid yahay dadkii doodaha qadhaadh ay intaa badan is-dhaafsan jireen Siilaanyo, tan iyo intii Siyaasaddu isku keentay. “..Waxan isku qirayaa inaan ahay dadkay ugu muraanka badnaayeen Siilaanyo..”. Si kastaba aha ahaatee durufaha iyo xilliyadan saddexaanka ah ee Gudoomiyuhuu isku keenay, ayaanay muuqan faa’iido toggan iyo mid taban oo xilligan ugu jirta, hankiisa siyaasiga ah, marka laga reebo in arrimahani noqon karaan kuwo si fudud uu baraarujiya dad afkaar wadaag hore u laha oo hadda Ceeryaamo kala qarisay.

Yool

Hargeysa, Somaliland

Somalidiasporanews

 

Comments are closed