Guddoomiyaha KULMIYE Miyuu Ka Baydhayaa Barnaamijkii-Siyaasadeed Ee Madaxweyne Siilaanyo Talada Dalka Ku Hantay ?
Hargaysa 09.Aug 2016 (SDN/QJ):- Xisbiga Talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa bilaabay Qorshe dib loogu eegayo Barnaamijkii-siyaasadeed ee uu ku soo galay Ololihii Doorashada Madaxtooyada ee qabsoontay Sannadkii 2010-kii.
Xisbiga KULMIYE oo uu wakhtigan Guddoomiye iyo Musharrax Madaxweyneba yahay Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in dib u eegis lagu samaynayo Barbaamijka Siyaasadeed ee Xisbiga lagu doortay, isla-markaana dib u habeyn lagu samaynayo qodobbo ay ka mid yihiin Baahiyaha Cusub ee soo baxay wixii ka dambeeyay Doorashadii Madaxweyne Siilaanyo ku guuleystay, laguna darayo Qorshayaal Cusub oo ay ka mid yihiin Meelaha KULMIYE Cusubi doonayo inuu wax ka qabto Mustaqbalka.
Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel) oo Shalay u Warramay Telefiishanka Bulsho, ayaa isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey siday wax uga beddelayaan Barnaamijka-siyaasadeed ee Xisbiga KULMIYE wuxuu yidhi, “Dib baanu u eegaynaa baahiyaha cusub ee soo baxay, waana la dersayaa, si Barnaamijka Xisbiga loo cusboonaysiiyo, hawshiisuna way socotay baryahanba.”
Jaamac-Shabeel wuxuu sheegay in guud ahaan Barnaamijkii Siyaasadeed ee Xisbiga KULMIYE Doorashada ku soo galay lagu samaynayo Sarfeey, “Waxaana la qaaday Sarfeey dib loogu eegayo dhammaan Barnaamijka (Siyaasiga ah ee Xisbiga KULMIYE).” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay barbar socoto qoridda waxyaabihii ku qornaa Barnaamijka ee Xukuumadda Talada haysaa qabatay si loogu kaabo Barnaamijka cusub, “Iyadoo ay yaallaan wixii laga qoray wixii la qabtay (ee Barnaamijka ku qornaa), Arrin walba halkay mareyso, waxa dhiman ee aan la qabanin, markaa (waxa la eegayaa) waxa ka qabyo ah kii hore iyo Qorshayaasha cusub ee Xisbiga ee Barnaamijka lagu darayo.”