|

Guddoomiyaha KULMIYE Iyo Madaxweyne-Ku-Xigeenka Oo Codsiyada Murrashaxnimadooda Gudbiyey, Baaqna U Diray Musharaxiinta Isbahaystay

Hargeysa,5Nov,2015(QJ/SDN)-Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, ayaa gudbiyey codsiyada murrashaxnimadooda xilalka madaxweynenimo iyo ku-xigeenkiisa ee xisbiga gudihiisa u kala tartamaya shirka Golaha Dhexe ee 10-ka bishan November 2015.

Guddoomiye Muuse iyo Madaxweyne-ku-xigeen Saylici oo booqday xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE maanta, iyagoo ka jawaabaya wargelin hoggaanka wada qabanqaabada shirku u direen murrashaxiinta doonaya inay ku tartamaan jagooyinka madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga, ayaa warbaahinta uga warramay socdaalkooda iyo hawlaha shirka.

Ugu horreyn, murrashax Muuse Biixi ayaa xusay in hawl-wadeenada shirku u sheegeen shuruudaha laga doonayo murrashaxiinta, “Wixii ay na farayeen way na soo sheegeen, codsigayagiinna waanu gudbinay,” ayuu yidhi.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal iyo isqancin dhexmarta murrashaxiinta isbahaystay ee ka soo horjeeda hawlaha shirka golaha dhexe, waxaannu yidhi, “Saaxiibadayo waxaannu ugu baaqaynaa in aannu isugu nimaadno xafiiska iyo xarunta oo wixii dhaliil ah farta aannu isku saarno oo weliba guddoomiye ahaan wixii gardarro ah ee aan sameeyey la tuso oo aan qaato ileyn waa la kala gar-qaataa uune, waa odayaashayadii oo waa raggaanu u baanahay inay xarunta xisbiga ka maqnaadaan maaha, haddayse yidhaahdaan halkaa noogu kaalay waanu u tagaynaa oo wixii ay yidhaahdaanba diyaar baanu u nahay. Waxay ka cabanayaan oo dhan diyaar baanu u nahay, bal nooga soo ergeeya oo geedkan xarunta ha iigu yimaadaan oo kursigayga ha ku fadhiistaan, waxay ka cabanayaan aannu ka wada heshiinno ee markhaati ka noqda, waanu u baahannahay walaalahayo.”

Mar la waydiiyey in shirka golaha dhexe ku qabsoomayo waqtigiisa iyo kale, waxaannu ku jawaabay, “Shirku waqtigiisii ayuu ku dhacayaa, qoladii gacanta ku haysay waa kuwan noo yeedhay oo hadda waxa nalaga qaaday araajidii codsigayaga, shuruudihii kale ee nalooga baahnaa waanu fulinaynaa oo Sabtida hadday nala dhaafto waxa nalagu yidhi waqtiga ayaa idinka dhacaya, markaa waxaannu soo xeraynaynaa gelinka hore ee Sabtida.”

Sidoo kale, Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ee hadda oo mar kalena u sharraxan xilkan Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sharraxay shuruudaha xisbigu ka dalbaday ka hor shirka golaha dhexe, waxaannu yidhi, “Qolada hawsha haysaa wixii ay naga rabeen way noo sheegeen oo ah in aannu is-diiwaangelinno, in aannu codsigii murrashaxnimada soo qoranno iyo in deebaajigii nalooga baahnaa aannu shubno, waxaanay arrimahaasi naga dhammaanayaan Sabtida.”

 

“Waxa kale oo aan halkan u imi, mar haddaan ka mid ahay hoggaanka xisbiga shaqada lafteeda in la kormeero halkay noo marayso iyo diyaargarowga aannu wax kala soconno, markaa waxaannu aragnay hawshii oo si fiican u socota ilaa haddana wax khaldan ama wax baa dib u dhacsan ma jirto,” ayuu yidhi Md. Saylici.

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu sheegay inuu ku qanacsan yahay in xilkaasi mar kale uu u tartamo oo uu ugu shaqeeyo bulshada, taasina tahay xuquuq uu siiyey dastuurka

 

 

 

Comments are closed