|

Guddoomiyaha Jimciyadda Mujaahidiinta Snm Ee Sooyaal Oo Beeniyey Eedeymo Loogu Jeediyey Inay Xuskii 6 April Xubno SNM Ka Ka Mid Ahaa Inay Ka Hadloon U Diideen

Hargaysa 10.April 2015 (SDN/QJ)- Jimiciyadda ururka Mujaahidiinta SNM ee SOOYAAL, ayaa waxba ka ma jiraan ku tilmaamay eedeymo dhawaan uga yimid Xubno ka mid ah Aasaasayaasha ururkaasi iyo SNM, kuwaasi oo cabasho ka muujiyeen inay marti qaad Munaasibadaasi ka qeybgalaan oo aan hadal loo golaanin ka soo horjeedaan, taasi oo masuuliyiinta SOOYAAL beeniyeen sheegeena inay Cid kasta oo ku abtisata magaca SNM marti qaad u direen Qadarin iyo sharaf-na u hayaan oo aanay jirin ciday inay Munaasibada ka hadasho ay ka dalbadeen.

XASAN DABA TAAGGuddoomiyaha Jimciyadda Mujaahidiinta SOOYAAL ee ururkii SNM Xasan Cabdi Maxamed ayaa Shir Jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Xafiiskiisa Xarunta Sooyaal, ayaa waxa uu sheegay inay ka xun yihiin eedeymo aan sal iyo raadtoona la heyn oo masuuliyiinta ururka uu madaxda u yahay ee SOOYAAL u jeediyeen qaar ka mid ah Aasaasayaashii Jimciyadda SOOYAAL iyo ururkii Dib u xoreynta Somaliland ee SNM, waxaana Xubnahaasi oo Mujaahidiinta waa weyn ee Xasan Ciise Jaamac iyo Xasan Guure Jaamac ka midka yihiin uu ugu baaqay inay ogaadaan inay yihiin dad qadarin iyo Xishmad Masuuliyiinta ururka Sooyaal iyo Shacabka Somalilandba ay u hayaan oo ka, wararka lagu sheegay inay marti qaadka munaasibada u weheliso in aanay Xafladda ka hadli doonina aanay wax ka jiraa jirin.

Xasan Cabdi Maxamed oo ugu horeyn ka hadlaayey waxa uu yidhi “Maanta waxaanu dooneynaa in aanu halkan wax ka yara saxno war ku qoran mid ka mid ah wargeysyadda magaaladda hargeysa ka soo baxa, kaasi oo naga qoray war anaga na lagu eedeynaayo, waxaan leeyahay Jumciyadda ururka Mujaahidiinta ee SNM iyada ayaa u xilsaaran hawlaha mujaahidiinta iyo Xuska maalinta 6-da April iyo Goobta lagu qabanaayoba Xukuumadda ayaa diyaarisay, koley Xukuumaddan ama kuwii ka horeeyey mid kastaba ha noqoto ee amniga dalka iyada ayaa ka masuul ah oo laf dhabar u ah Xukuumaddu , marka kolkii aanu anagu hawshii soo qaban qaabinay Munaasibada waxa loo asteeyey in lagu qabto Beerta Xoriyadda waxaanan dadka uga gudbinay Warbaahinta in munaasibaddu ka dhici doonto Beerta Xoriyadda , Xukuumadduna sida umaddu arkeysay door weyn ayey ku la heyd oo aad ayey uga shaqeysay munaasibadda qabsoomideeda oo qarashiina way bixisay Amnigiina way sugtay Ardeydii Isguuladdana way soo fasaxday , dawladda hoose-na waxay soo gureen dadkii oo Beerta Xoriyadda qaban qaabadii ururka Sooyaal-lahaana sideedii ayey u hirgashay”

Guddoomiyaha Jimciyadda Mujaahidiinta SOOYAAL ee ururkii SNM Xasan Cabdi Maxamed oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi waxa uu yidhi “Dadkii markii maalinta 6-da April la gaadhay dadkii way yimaadeen Beerta Xoriyadda anaguna waanu Xusnay dadkii marti sharafta aheyd gaar ahaan Aasaasayaashii ururka SNM oo ay ka mid yihiin Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi, Mujaahid Cabdisalaan Yaasiin, Mujaahid Xasan Ciise Jaamac iyo Mujaahid Xasan Guure Jaamac intaba waxaanu u geynay Kaadhadhkii intii waa weyneyd si ay iskugu yimaadaan meesha , waxa sida gaarka ah loogu xusayna waxay aheyd Baahin imaanshahooda loo qabay iyo Ixtiraam aanu u haynay ayey aheyd in aanu madashaasi ku marti qaadno oo ragii maalintaasi iyagu lahaa ee aasaasay ayey ahaayeen sida aanu ugu marti qaadnayna sidaasi ayey aheyd “

Mujaahid Xasan waxa uu ugu dambeyntii intaasi ku daray“Nagama geyaan horena ugu maanaan odhan imikana ku odhan meyno Kaalaya madasha oo ha hadlina ,marka waxaan qaba hadalka warbaahinta lagu qoray ee lagu yidhi Sooyaal kaalaya marti ayaad tihiin oo Madasha ka hadli meysaane , waxaanu leenahay hadalkaasi waa mid meel ka dhac ay oo aanu cadeynayno in aanu anaga oo Madaxdii Jimciyadda Sooyaal ah naga soo bixin oo aanaan ka odhanin meelna cidina afkayaga ka haynin , hore iyo dib midna ka odhaneynin ee uu yahay mid ku kooban cida waxaasi aan jirin meelahaasi ka sheegaysa , odayaasha la sheegay inay Cabanaayana anaga sharaf ayey naga mudan yihiin oo waa kuwii maalintan Aasaaskeedalahaa , anigu ma qabo inay haboon tahay Odayasha mujaahidiinta ahi inay waxaasi nagu eedeeyaan inay tahay ee anagu waxaanu leenahay ururkan iyo Xuska maalintaasiba waa tii aad aasaasteen ee shaydaanka iska naara oo naga la soo qeyb gala oo noo yimaada anaga wax noogu kiin jiraa ma jiraan oo sida aanu Kaadhadhka Marti qaadka idiinku keenay mid kasta ayaanu Ixtiraam idiinku haynaaye”

Comments are closed