|

Guddoomiyaha Iskaashatada Basaska Hargeysa Oo Sharxay Sababta ay u Caydhiyeen Tiro Badan Kirishbooyo ah

Hargeysa:31-Oct-2013(SDN)-Guddoomiyaha Guddiga Basaslayaasha caasimadda Hargaisa Mudane,Xuseen Axmed Maxamuud, ayaa faahfaahin ka Bixiyey Shaqada ay Guddi ahaan Qabtaan iyo Hawlaha ay u hayaan Iskaashatada Basasleyda caasimadda.

BASAS-300x225Guddoomiyaha Oo Maalintii shalay xafiiskiisa ugu warramayey Qaar ka Mid ah warbaahinta, ayaa sidoo kale carrabaabay in Xukuumaddu Gebi ahaanba ka Dhaaftay Lacagta Takaalliifta waddooyinka  ay dhawaan soo rogtay.

Guddoomiyaha oo Arrimahaas ka Hadlayaa ayaa waxa Hadalladiisii ka mid ahaa, “Markii ay madaxtooyadda iyo wasiiradda xukuumaddu ay arkeen in aanaan qaadi karin arintaa(lacagta takaaliifta wadooyinka) waxay go’aansadeen in ay yidhaahdaan Basaska waa laga daayay.al xamdulilaah waana lanaga joojiyay oo waa lanaga daayay, Iskaashatadana waxanu u haynaa Hawlo Badan oo ay u baahan yihiin, waxana aanu wax walba ku qabannaa isku duubni iyo wadajir” ayuu Yidhi Xuseen Axmed Maxamuud.

Mar aanu Guddoomiyaha Wax ka weydiinay in lacagta Takaalliifta waddooyinka ee laga dhaafay ay ku timi  codsi iyaga ka yimi iyo in kale ayaa waxa uu ku jawaaba, “maya,anagaa codsanay.Wasiiraanu la shirnay,qoraalo badan baanu gudbinay Madaxtooyadda anagaa codsanay oo nidhi ma qaadi karno ee halanaga daayo”.

Mar uu dhinaca kale ka hadlayay warar baryahanba laysla dhex marayay oo sheegayay in Darawaladda Basasku ay inamaddii la shaqayn jiray ay shaqaddii ka caydhiyeen,taasoo dhabah u xaadhay inay soo food saarto  shaqo la’aan hor leh.waxa uu sheegay in arintaasi tahay mid jirta oo aan indhaha laga qarin karin,isaga oo sababna uga dhigay shidaalkii oo cirka isku shareeyay iyo Xukuumaddii ay u ciirsadeen oo cabashadoodii ka hoos qaadi wayday.waxaana hadaldiisii ka mid ahaa: “shidaalkii markii lanagu qaali gareeyay waa la joojiyay kirishbooyo badan”.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed