Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyay Shaqaale Sanad Baranayay Luuqada Engelishka(Sawiro)
Hargeisa 28/3/2015(SDN/QJ)Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada ahna sii hayaha Machadka tababarka shaqaalaha dawlada (CSI) Prof: Maxamed Mixile Boqorre ayaa shahaadooyin guddoonsiyay qaar ka mid ah shaqaalaha ka hawlgala xarumaha dawlada oo muddo sanad ah baranayay luuqada Engelishka (English Diploma Program). Munaasibada shaqaalaha shahaadooyinka lagu guddoonsiinayay waxa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha hay’addaha shaqaalaha dawlada ahna sii hayaha Machadka tababarka shaqaalaha Prof: Maxamed Mixile Boqorre, masuuliyiinta Machadka iyo martisharaf kale. Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Prof: Maxamed Mixile Boqorre ayaa shaqaalahan ku bogaadiyay dadaalka ay muujiyeen muddadii ay duruustan baranayeen“Sanadka aad ku soo takhasuusteen waxbarashada Engelish Diploma, luuqadaasi waxay idin kaabi doontaa ama ay idin xoojin doontaa waxbarashadiina dambe, markaa waxaad halkan ka arkaysaan in Machadka shaqaalaha dawlada hadafkiisu sareeyo siduu Agaasimaha guud ee Machadku sheegayay in xaga haweenka aad aad ugu fiican tihiin. Bulshada reer Somaliland iyo hay’addaha dawladu waa inay ogaadaan in Machadkani waxa ka socda inay horumar heersare ah tahay oo dadkaa marka hore la maalgeliyaa, hadaad dadka maageliso markaasu wadankuna horumarayaa oo la fikirayaa, oo fikir wanagasan baa imanaya, waxaan kaga faa’idaysanayaa aniga oo ku cusub hay’adda shaqaalaha in sharci loo soo saari doono oo lagu dhaqi doono qoladiina shaqaalaha ah oo dalacaadiina, anshaxmarintiina wax walba hadda waanu la soconaynaa.” Ayuu yidhi Prof: Mixile Agaasimaha Machadka tababarka shaqaalaha dawlada Guuleed Cumar Siciid iyo ku xigeenkiisa Xirsi Cabdilaahi Ismaaciil ayaa si wada jir ah u sharaxay ujeedada ay salka ku hayso in la dhiso aqoonta shaqaalaha ee hawlgala xarumaha dawlada, si guul looga gaadho adeegyada ay bulshada u qabtaan. Dhinaca kale Guddoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawlada Prof: Maxamed Mixiled Boqorre ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay shaqaalahan muddada sanadka ah baranayay luuqada Engelishka
Hargeisa SDN/QJ
Concat@Somalidiasporanews.com