Guddoomiyaha Hay’adda Maamul wanaag iyo La-dagaalanka Musuq maasuqa Somaliland oo Iska Casilaya Xilkii uu Madaxweyne Siilaanyo u Igmaday Isagoo Ka Hadlay Musuq Maasuq Baahsan oo dalka ka Jira
Hargaysa 05. May 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyahii hay’adda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee Somaliland Md.Axmed Muxumed Madar sida oo kale na ka mid ahaa aas aaseyaashii xisbiga KULMIYE, ayaa ku dhawaaqey in uu gebi ahaan ba iska casilay xilkii uu u hayey qaranka Somaliland isaga oo ku sababeeyey in dalku uu ku sugan yahay xaalad aad u xun oo uu hadheeyey musuqmaasuq baahsan oo ka jira gebi ahaan ba hay’adaha dawladda Somaliland.
Md.Axmed Muxumed Madar, ayaa sidan ku sheegay shir-jaraa’id oo uu Saacadihii Danbe ee xalay ku qabtay hoygiisa uu ka degan yahay magaalada Hargeysa, isaga oo dhalliilay guddida la dagaalanka musuqmaasuqa ee dhawaan uu Madaxweynahu dar-dar-geliyey hawlahooda shaqo oo uu sheegay in aanay suurto-gal ahayn in wakhti xaadirkan wax laga qabto musuqmaasuqa xadhkaha goostay maadaama aan hore waxba loogga qabanin mudadaa Lixda sanno aheyd ee ay jirtay Xukuumadda KULMIYE.
Warar hoose oo laga helayo iscasilaada Axmed Muxumed Madar ayaa la xidhiidha in uu muddo badan ku doodayey nidaamka maamul ee dalka in la saxo iyo in wax laga qabto musuq maasuqa, hase yeeshee laga qaadan waayey Talooyinkii uu ujeediyey xukuumadda.
Khilaafka Axmed Muxumed Madar iyo Xukuumadda ayaa soo shaac baxay toddobaadkii hore kadib markii Madaxwweyne Siilaanyo soo saaray Digreeto uu sadexda hay’adood ee Hanti-dhawrka, Xeer ilaaliyaha Guud iyo hay’adda maamul wanaaga ku amrayo inay talaabo ka qaadaan masuuliyiinta musuq maasuqa samaysa iyo waliba inay ilaaliyaan hantida qaranka inay ilaaliyaan mudada kala guurka ah.
Guddoomiye Axmed Muxumed Madar ayaa la sheegay kulankaas inaanu ka qayb galin, sababta ugu weyn ee uu uga maqnaana ay tahay, isaga oo u arka talaabadda Madaxweyne Siilaanyo xukuumaddiisu xilligan qaadaysaa inay tahay mid loo baahnaa wakhti hore in la fuliyo.
Go’aanka Madaxweyne Siilaanyo waxa ku dhawaaqay in uu fulinayo Hanti-dhaeraha guud ee qaranka oo sheegay in uu durtaba bilaabay hawl-galkii madaxweyne Siilaanyo faray, hase yeeshee dadweynaha ayaa su’aalo iska weydiinaya sababta uu awal hore u shaqayn waayey, maadaama uu xilka uu qaranka u hayaa ahaa in uu ka qabto dalka Boobka iyo Hanti lunsiga lagu eedeeyo masuuliyiinta Xukuumadda.
Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka ayaa dalka ka maqan, hase yeeshee illaa hada xafiiskiisa wax talaabo ah lagama hayo.