|

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland oo ka hadlay Doorashooyinka Golleyaasha Degaanka

Hargeysa July 14,2012(SDN)-Guddoomiyaha Gudida Doorashooyinka Somaliland Md Ciise Yusuf Maxamed “Xamari” ayaa maanta mar uu saxaafada kula hadlay Hargeysa waxa uu ka war bixiyay xaalado ku xeeran doorashooyinka Gollaha degaanka ee dhawaanta la filayo in lamudeeyo.

Ciise Xamari ayaa sheegay in Doorashooyinka degaanka aan lagu geli doonin uu astaanta axsaabta ee ay numberna raaciyeen ka dib kolkii ay tijaabo ay sameeyeen ay u soo baxday in dadku badankii ururada isku qaldeen.

Sagaalka urur ee musharixiintooda hargeysa ay tiradoodu tahay 225ka xubnood ay adkaan doonto in dadku kala saaraan cida ay doonayaan iyo cida kale.

Gudoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Eng Ciise Xamari waxa uu sheegay in ay haatan sugayaan dekhligii beesha caalamka ku kaabi jireen doorashooyinka Somaliland.

Gudoomiye Xamari waxa uu sheegay in Xukuumada Somalialand ay bixisay %25 kii kaga soo beegmay kharashaadka Doorashooyinka.

Si kastaba ha ahaatee ka hadalka doorashooyinka iyo kharaashaadkooda ayaa u muuqda qaar aan la jaanqaadeyn xaaladaha dhabta ah ee dalka a jira,sida amniga iyo abaaraha oo labaduba u baahan kharashaad lagu maareyo.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed