|

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Oo Ka Hadlay Loolanka Xisbiga Kulmiye DAAWO

Hargeysa, 04 Oct  2015 (SDN/QJ)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in loolanka musharaxiinta faraha badan ee Kulmiye fursad u yahay in musharaxa ugu habooni u soo baxo hogaanka dalka.

saleebaan gaal sax“Loolanku waa xaq loomana diidana sidaas ayuun baa ninka saxa ah lagu helaa,mana diidani anigu in ay loolamaan iyagu,aakhirkana nin uun baa ka soo dhex bixi kaas na waanu ugu ducayn,” ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.

Gudoomiye Saleebaan oo la Weydiiyey in Maadaama uu Cimri Joogo in badana soo hayay Gudoonka Golaha Guurtida inuu Fursad siinayo dhallinyarada ayaa Yidhi “Dhalinyaradu marka ay diyaar noqdaan kursiga lays kagama kacee way ka riixan doonaan, markaas marka ay naga riixdaan wuu banaanaan doonaa oo waa la sugi doonaa marka ay naga riixdaan,” ayuu yidhi guddoomiye saleebaan.

 

Guddoomiye Saleebaan oo la Weydiiyey aragtidiisa la xidhiidha Wareejinta Haamaha Kaydka Shiidaalka ee Berbera ayaa ka Gaabsaday inuu ka hadlo isagoo ku jawaabay “Waxba arintaas ka odhan mayo adeer, waxa ay u talaa xukuumada iyada ayaana ku shuqul leh,iyada waydiiya.”

Comments are closed