Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Borama Oo Ku Dhawaaqay Inaanay Madasha Wada-tashigu Soo Geli karin Magaaladiisa
Borame:18-Oct-2013 (SDN)-Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Borama, Md. Saleebaan Xasan Xadi ayaa gabi ahaanba Magaalada uu xukumo ee Borama ku sheegay mid ay mamnuuc ka tahay oo aanay soo geli karin Madasha wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka oo uu ku sheegay qaar sharcidarro ah.
Guddoomiye Xaddi ayaa si cad u sheegay in Golahaasi yahay mid sharciga baalmarsan, sidaa darteedan aanu sinaba u aqbali doonin inay Gobolkiisa yimaadaan,“Dadkii hore waxay odhan jireen waxa aanad jeclayn dhago dameeraad ku maqal, wax halkan Boorama laga ogol yahay ma aha gole aanan isaguba sharci ahayn, dalka waxa lagu kala socdaa sharci iyo nidaam dastuuri ah, hadii aanu ilaashan waynaha anaga ayaa dalka duminayna oo ka sii liidana golaha la sheegayo ee bilaa sharciga ah, golaha wada tashiguna hadal baad sheegaysaane ma soo gali karo oo ma iman karo Boorama” Ayuu yidhi Maayar Saleebaan.
Si kastab ha ahaatee hadalkan iyo dareenkan sasku ku ladhan yahay ee uu maayarka Boorama ka bixiyay Golaha Wada-tashiga iyo Toosinta ayaa waxa uu ku soo beegmayaa waqti ay hadalhaynta golaha ee imaatinka Boorama ay isa soo tarayso isla markaana ay siyaasiyiin aanan ku jirin axsaabta qaranku sheegeen inay ku soo dhawaynayaan Boorama.
Magaalada Borama oo aan inta badan lagu gorfaynin siyaasadda somaliland, islamarkaana aan lahayn xaasaasiyadda siyaasadeed ee Hargeysa ka jirta, ayaa iyada si aad ah looga hadal hayaa in madax sare oo ka tirsan Madashu ay dhawaan socdaal ku tegi doonaan, islamarkaana kulamo kala duwan la yeelan doonaan qaybaha bulshada oo qaarkood la sheegay inay taageero u muujiyeen.
S.DN.
Contact@somalidiasporanews.com